araweelonewsBerbera(Araweelo News Network)Haweenay magaceeda lagu sheegay Safiya cabdi jidhif, ayaa ku dhimatay Rasaas ay ciidamo Booliska ka tirsan ku rideen goob meherad ah oo ku taal magaalada Berbera

 

rabshadi ka dhacday, waxaana dhaawac soo gaadhay Wiil uu dhalay Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo magaciisa lagu sheegay Sacad.
Warar la xidhiidha dhacdadaa ayaa shebekaddaha Araweelo News Network u sheegay in rabshadu ka bilaabantay kadib markii uu goobtaa tegey Nin hore loogu eedeeyay inuu Rasaaseeyay Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile, kaas oo markii uu tegey goobta oo meherad u ah Caruur uu dhalay Xildhibaan Qabile ay buuq iyo sawaxan kala hortageen, balse wararka qaar ayaa sheegaya in Ninkaas oo ka mid ah Ilaalada wasiir Dawlaha Amniga Somaliland uu dhinaca Saldhiga Booliska u cararay, iyadoo Ciidanka Booliska oo goobtaa tegey ay rasaas rideen, taas oo ku dhacday Haweenayda oo meel aan ka fogayn maraysay.
Waxaana dhaawac soo gaadhay Sacad Maxmed Faarax Qabile, ma cadda in rasaasta uu ku dhaawacmay wiilka uu dhalay Xildhibaanku ay ahayd mid ay Boolisku rideen iyo in ay qayb ka ahayd rabshada ka dhacday halkaa ka hor intii aanu Boolisku gaadhin.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *