Hargeysa(ANN)“Inkastoo dadka ajaanibka ah ee dalxiisayaasha ah ee u baahda inay u socdaalaan wixii bari ka xiga Hargeysa ay waajib tahay inay oggolaansho helaan, isla markaana kiraystaan gaadh hubaysan oo ilaaliya ammaankooda, ayey haddana ammaan tahay inaad sidaad doonto ugu
socdaasho qaybo badan oo ka mid ah Somaliland.” Sidaa waxa lagu yidhi warbixin ay diyaariyeen laba dalxiise – Stephen Kreider iyo Levi Yoder – oo dhawaan booqasho ku yimi Somaliland.Waxa labadan dalxiise ay Somaliland ka diyaariyeen warbixin dhinacyo badan taabanaysa oo ay kaga sheekeen ammaanka, dabeecadaha dadka reer Somaliland iyo dhibaatooyinka aqoonsi la’aantu ku hayso, iyagoo xusay in waxyaabaha ugu badan ee ay ka werwerayeen muddadii ay Somaliland joogeen ahayd in lacagta ay haystaan ka go’do, maadaama aanay Somaliland lahayn kaadhadhka bangiyada adduunka lacagaha lagala bixi karo ama aanu jirin bangi la aqoonsan yahay oo Somaliland ku yaal.
“Marka u horreysa ee aad cagta saarto caasimadda Hargeysa waxaad la kulmaysaa waxyaabo kaa yaabiya oo ku niyad-jabiya iyo jewi aad ka muraara-dillaacayso, taasi oo aad u qaadan karto in aad joogto meel aanay dawladdi ka jirin. Waddooyinku aad bay u liitaan oo burbur iyo godad miidhan baa ka muuqda, waana wasakh miidhan, xataa markaad joogto suuqa badhtankiisa. Magaalooyinka Somaliland weli dib-u-dhis laguma samayn ilaa wixii ka dambeeyey duqayntii ciidammadii Siyaad Barre u gaysteen, waxaanad arkaysaa dhismayaal dhagaxaan ka samaysan oo burburaya,” ayaa lagu yidhi warbixinta ay diyaariyeen labada dalxiise oo ay kaga hadlayeen dhibaatooyinka aqoonsi la’aantu ku hayso Somaliland.
Labada dalxiise oo la kala yidhaa Stephen Kreider iyo Levi Yoder waxa ay sheegeen in dadka reer Somaliland yihiin dad aad u dabeecad wanaagsan oo soo dhaweeya dadka ajaanibka ah, iyaga oo arrimahaas ka hadlayeyna waxay yidhaahdeen “Laakiin, waxaannu si dhakhso ah u ogaanay in dadka reer Somaliland ee muslimiinta ah yihiin kuwii ugu soo dhawaynta fiicnaa bulshooyinkii kala duwanaa ee aannu kula kulanay qaaradda Afrika. ‘Iska warrama?’ Waxaan kelmaddaa maqalnay in ka badan 125 jeer saacadihii u horreeyey ee aannu dhex meeraysanaynay dariiqyada boodka badan ee caasimadda Hargeysa. Dad badan oo deegaanka ah, dukaanlayaal, arday iyo dadka xafiisyada ka shaqeeya ayaa markay na arkaan nagu soo dhaqaaqayey si ay noo gacan qaadaan ama noo salaamaan iyaga oo nagu leh ‘Ku soo dhawaada Somaliland oo aanu in badan maqalnay.”
“Dad badan oo aanu la kulanay, ayaa si degdeg ah markiiba noogu kala saaray in Somaliland aanay Soomaaliya ka mid ahayn. ‘Annagu waannu ka duwanahay Soomaaliya.’ Sidaa waxa nagu yidhi farsamoyaqaan dhinaca kombuyuutarrada oo aanu kula kulanay maqaaxi shaah Soomaaliga laga cabbo. ‘Somaliland, waa goob nabad ka jirto, waanuna jecelnahay dadka ajaanibka ah ee noo yimaad.. Waannu jecelnahay dadka Maraykanka ah,’ ayey dadku nagu lahaayeen,” ayey warbixintooda ku yidhaahdeen labada dalxiise ee Somaliland yimi.
Xiggasho jamhuuriya.