laabsaalax1Hargeysa(Araweelo News Network) Ciidamada Booliska Somaliland ayaa maanta xabsiga u taxaabay Guddoomiyaha Kooxda Xiddigaha Geeska Abwaan Xasan Saleebaan Dhuxul (Laabsaalax). Kadib markii uu

 

saaka kasoo degay Garroonka Diyaaraddaha ee Egal Intranitional Airport ee Magaalada Hargeysa.

Guddoomiyaha Kooxda Xiddigaha Geeska Xasan Saleebaan Dhuxul (Laabsaalax), ayaa kasoo laabtay safar qaatay Todobaad oo uu ku tegey Magaalada Muqdisho oo isaga iyo Afar xubnood oo ka mid ah kooxda uu gudoomiyaha u yahay.

Waxa kale oo ciidamada Boolisku xidheen Fanaanada Ikraan Jaamac oo kasoo degtay saaka Madaarka Hargeysa, iyadoo kasoo laabtay Magaalada Muqdisho.
Ma cadda ujeedada safarka kooxda Fanaaniinta ah ay ku tageen Magaalada Muqdisho, balse xubnaha kale ee fanaaniinta ah ayaa ku hadhay magaalada Muqdisho, waxaana dalka kusoo laabtay Gudoomiyaha ee kooxda Xiddigaha Xasan Laabsalaax iyo IKraan Jaamac, kuwaas oo aan la ogayn ilaa hadda sababta xadhigooda, waxayna ciidamadda Boolisku ku xidheen saldhiga Madaarka Hargeysa.

Xukuumadda Somaliland ayaan wax war ah kasoo saarin Xadhiga Abwaan Laabsalaax Iyo Fanaanada Ikraan, wuxuuna xadhigoodu kusoo beegmay maalin kadib markii Ciidamadda Booliska Somaliland la wareegeen xarunta Wargeyska Haatuf oo si maalinle ah uga soo bixi jiray magaalada Hargeysa.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *