Hargeysa(Araweelo News Network) Guddoomiyaha Xisbiga tallada haya ee KULMIYE  Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay yooyootan dhinaca warbaahinta ah oo

 

mudooyinkan u dhexeeyay Masuuliyiin xukuumadda ka tirsan iyo golaha la baxay toosinta iyo wada-tashiga, wuxuuna xusay inuu jiro wadahadal isfaham laga gaadhi doono arrintaa.

 

Gudoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo maanta ka hadlayay munaasibad loo qabtay Ururkii Jumhuuriga ee hadhay oo kusoo biiray xisbiga Kulmiye. Munaasibadaa oo lagu qabtay Huteelka Maansoor, waxa uu Gudoomiye Muuse Biixi ka sheegay in Ibraahim Dhego-weyne uu ku khaldanaa inuu Madaxweynaha Somaliland ku tilmaamo tuug, waxa kale oo uu naqdiyay masuuliyiin xukuumadda ka tirsan oo u jawaabay Ibraahim Dhego-weyne iyo Maxamed Xaashi.

 

Muj. Muuse Biixi oo ka hadlayay halka ay marayaan wadahadaladu wuxuu, isagoo arrintaa ka hadlay  yidhi,  “Maalmahan waxa soo biiray dhawaaq Mucaarid, rag odayaal ah oo ah raggii dalkan ku soo tabcay ah ayaa hadallo kulkuli ka soo duuleen, xagga xukuumaddana hadallo kul-kul ayaa ka dhacay. Dadku arrintaasi way ka naxeen gudo iyo dibadba. Waxaan idiin sheegayaa arrintaasi halka ay marayso. Maalintii dhawaaqaasi soo baxay laba saacadood ka dib waxaan u tagay madaxweynaha waxaanu isla qaadanay in raggaas hadlay ay ahaayeen raggii dalkan tacabka badan ku lahaa haddii markaa cidi dul qaadanayso ay xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE dul qaataan. Waxa loo diray siyaasiyiintaasi sadex qof oo aan anigu ka mid ahay waxa kale oo I wehelinayay Wasiirka waxbarashadda iyo Wasiirka Daakhiliga waxaanu u tagnay Maxamed Xaashi iyo Ibraahim Dhego weyne dood adag ka dibna waxaanu ku heshiinay inaan arrinta kor loo qaadin oo aanay dhicin wax duul duul ahi. Waxaan idiin sheegaynaa inay arrintaasi socoto oo ay dhammaan doonto.”

 

Guddoomiye Muuse Biixi waxa uu sheegay in Ibraahim Dhego weyne uu ku khaldanaa hadalkii ka soo yeedhay ee uu madaxweynaha ku eedeeyay tuug, isagoo arrintaa  ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waa Nasiib darro rag waaweyn oo isku wada sodog iyo seedi ah,  iyagoo wada hadli kara oo is gacan qaadi kara inay makarafoonadda isku fuulaan oo wax walba isku yidhaahdaan.Saaxiibkay Ibraahim Dhegoweyne waxaan leeyahay eraygaas aad madaxweynaha ku tidhi waa tuug waa khalad, waxaan leeyahay eraygaas meel ayaad kaga dhacday ma qabato madaxweynaha. Marka hore da’a ahaan ayaanay haboonayn waxaad isu tihiin. Mar labaadka waxay khalad ku tahay xilkii aad adigu u dhiibtay, mar sadexaadkana waxay khalad ku tahay wixii aad soo wada marteen, Taariikhda Siilaanyo haddii ay xumaato ta Maxamed Xaashi way xumaanaysaa, ta Ibraahim Dhego-weyne way xumaanaysaa, ta Xasan Ciise way xumaanaysaa, ta Xasan Guure-na way xumaanaysaa.” Ayuu yidhi Muuse Biixi.

 

Dhinaca kale Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi,  wuxuu usoo jeediyay shaqsiyaad ka tirsan xukuumadda inay is dhawraan, isagoo yidhi, “Xagga kale ragga madaxda xukuumadda ah ee makarafoonka furtay ee u kala tirinaya Maxamed Xaashi ama Ibraahim Dhego-weyne, waxaan leeyahay waar ma qabatee waa meel ka dhac,”

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Muuse Biixi waxa kale oo uu soo dhaweeyay ururkii Jamhuuriga oo ka mid ahaa Uraradii hadhay, isagoo arrintaa ka hadlayana wuxuu  yidhi,  “Waxaan u mahad celinayaa maskaxda iyo murruqa ay noo keeneen ee ay xisbiga KULMIYE ku soo biiriyeen Ururkii JAMHUURIGU. Walaaleyaal waa abaal aanu idiin hayno waa abaal aad u gasheen dalkiina iyo dadkiina. Waxaan si gaar ah u soo dhaweynayaa saaxiibkay Cabdilaahi Ismaaciil Cali (Wasiirkii hore ee daakhiliga) waxaanan leeyahay soo dhawoow oo maskaxdaadii iyo murruqaagii aad UDUB ku wadday annagana nagu soo biiri.”

Muuse Biixi, waxa kale oo uu ka hadlay iskaashiga axsaabta Mucaaradka oo heshiis wada gaadhay, wuxuuna isagoo jawaab ka bixinaya hadal kasoo yeedhay Gudoomiyaha Xisbiga Waddani yidhi, “waxaad tahay Gudoomiyihii Golaha Wakiilada, waxaadna tahay gudoomiye xisbi mucaarad, waxay su’aashu tahay yaad ku eedaynay walaaca aad sheegtay ee doorashada.”

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *