Hargeysa(Araweelo News Network)Guddoomiyha Ururka Suxufiyiinta SOLJA ee Somaliland Xasan Maxamed Yuusuf, ayaa kala diary xubnaha gudida qabanqaabada, kadib markii khilaaf soo kala dhexgalay sababay in ay is casilaan

qayb ka mid ah xubnaha gidida qaban qaabada shirweynaha shanaad ee Ururkaa.

Guddoomiye Ku Xigeenkii Gudida Qaban-qaabada Shirweynaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Najax Aadan Cunaaye,  Cabdifataax Maxamuud Caydiid iyo Aadan Cabdi Ciidle ayaa saacdo ka hor ku dhawaaqay in ay iska casileen Xubinimadii guddida qaban qaabada, ka dib markii sida ay sheegeen ay xubno gudida ka mid ahi ka leexdeen Dastuurkii iyo nidaamkii lagu soo xulayay ergooyinka.

Xubnahan oo is-casilaadooda u gudbiyay Guddoomiyaha ururka Suxufiyiinta Somaliland ee solja, ku xigeenkiisa iyo xoghayaha guud ayaa daaha ka fayday in xubno iyaga ka mid ahaa ay dano gaar ah ka horeysiiyeen tii suxiyiinta ururka SOLJA.

Waxa ay ku doodayaan in qaabka ay ergadu ku imanayso ay u wareejiyeen xarumaha warbaahinta isla markaana ay dalaw dheer ka rideen xuquuqdii saxafiyiinta Madaxa banaan iyo waliba mihnedleyaasha.

Sidaasna waxa ay ku sheegeen warsaxaafadeed ay soo saareen xubnahaaasi, ayaa dhignaa sidan:- “Waxa aanu maanta oo ay taariikhdu Tahay September 13 2014 aanu iska casilnay Xubinimadii guddida qaban-qaabada shirweynaha ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja.

Runtii sida magaca ku cad ururka SOLJA waxa iska leh oo ku midaysan saxafayiinta Somaliland ee meel kasta oo ay joogaan, ergaduna waxa ay ka imanaysaa uun iyaga, laakiin xubno han ka fog ka guddida qaban qaabada ayaa marin habaabiyay, waxaanay u leexiyeen oo ay xuquuqdii suxufiyiinta madaxa banaan u leexiyeen dhinaca xarumaha warbaahinta.

Waxa aanu maanta laga bilaabo u cadaynaynaa cidii ay khusaysay hawshii baaxada lahayd ee aanu haynay in aanu iska casilnay” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeed kooban oo ay soo saareen xubnaha guddida qaarkood.

Shirweynaha Ururka SOLJA ee Saxafadda Somaliland oo la filayay inuu qabsoomo, waxa hore u ragaadiyay dib u dhac. kadib markii khilaaf soo noq noqday oo u dhexeeyay hoggaanka Ururka saamayn ku yeeshay qaabka loo magcaabyo guddida qabanqaabada, balse waxa ldhexgalay xubno guddi qaarkood yihiin Odayasha saxaafada, waxaana ugu danbayntii xal laga gaadhay khilaafkiii, kaas oo xubnaha qaban qaabada ee khilaafkoodu soo baxay maanta loogu xilsaaray in ay soo shaxeeyaan ergooyinka iyo qaabka loo qabanayo shirweynaha shanaad ee Ururkaa.

Hase yeeshee khilaafka soo kala dhexgalay xubnaha qaban qaabada shirweynaha Ururka Suxufiyiinta Somalilad, ayaa waqtigan u muuqda mid xaalada ku celinaya halkii lagasoo gudbay, taas meesha ka saaray rajadii laga qabay shirweynaha Ururka Saxaafadda Somaliland ee SOLJA.

Araweelo News Network
Somaliland Office
info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *