madaxweyne Xigeenka1Hargeysa(Araweelo News Network)“Carwadani waa tii Lixaad ee dalka lagu qabto, waxayna muujinaysaa in sanadba sanadka ka danbeeya dalka dhaqaalihiisa iyo gnacsigiisu sii kobcayo, Ganacsigu wuxuu

kobciyaa dhaqaalaha, wuxuuna wax ka taraa shaqa abuurka, xukuumad ahaana diyaar ayaan u nahay in aan dhiirigelino oo diyaarino shuruucdii lagama maarmaanka u ahayd, shacbigana waxa looga baahanyahay in ay ixtiraamaan shuruucdaa.” Ayuu yidhi Madaxweyne Xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Ismaaciil Saylici.

Madaxweyne xigeenka Somaliland waxa uu sidaa ka sheegay hadal uu ka jeediyay Bandhiga carwada Somaliland, wuxuuna sheegay in ay xukuumad ahaan doonayaan in ay soo jiitaan ganacsatada iyo shirkadaha shisheeye ee doonaya in nay Somaliland maalgashi ku sameeyaan, taas oo uu sheegay in ay fursad weyn u noqonay dalka iyo dadkaba.

Madaxweyne Xigeenka oo ka hadlayay dhacdadii Booyaduhu ku joojiyeen rabshadihii mudaharaadka ka dhacay Hargeysa ee lagaga cabanayay Biyo la’aanta, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “Haddii la yidhi aynu dalkeena dhisano oo lacag yar oo aan badnayn, balse marka laysu geeyo lacag badan noqonay si aan dalkeena u dhisano oo wadooyinka u dhisano, waxay ahayd in iyagoon dadkii haraad ku dilin oo rabshad samayn in ay yimaadaan oo waxa ay ka cabanayaan sheegaan. Lixda Bilood Slsh.300,000 (sadex Boqol oo kun) oo shilin ayaa la yidhi Baabuurta ka weyn 3Tn (Sadex Tan), waxay noqonaysaa Bishii 50,000 (konton Kun), marka lasii qaybiyo maalintii 1,700 (Kun iyo Todoba boqol) ayay noqonaysaa, waxa ina haysta mushkilad ganacsatadu markay wax diiday in ay been ku hadlaan maaha. Haddii Cashuurtaasi Foostada Biyaha saarayso 30 sshl, maaha in uu Foostada sadex kun saaro, waana xaaraan.
Afartan ama konton Foosto hadaad u qaybiso 1,700, waxa Foostadii ku hagaagay 40 shilin, markaa Ninka dadkiisii u saari waayay Foostada 4o shilling inuu Afar kun saaro xaq uma laha, waxaana ummmada u balanqaadaynaa in sanadkan insha Allaa Biyo fiican ay Hargeysa helayso sanadkan, waana la wadaa hawshoodii” ayuu yidhi Madaxweyne Xugeenka Somaliland.

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *