ruun xaddi1Boorama(Araweelo News Network) Faananada caanka ah ee Ruun Xaddi ayaa Dahabkeeda u bixisay dhismaha wadada isku xidha Lawyacado iyo Boorama, taas oo Madaxweynaha Somaliland

Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) dhagax dhigay maanta kadib markii uu xadhiga ka jaray dhamaystirka wadda Dilla iyo Boorama oo lasoo gebagebeeyay.

Munaasibada dhagax dhiga wadadaa oo isku xidhi doonta Lawyacaddo iyo Boorama oo dhererkeeda lagu qiyaasay ku dhawaad 300 oo km, wuxuu Madaxweynaha Somaliland oo socdaal ku maraya galbeedka Somaliland cadeeyay in xukuumaddiisa ay ka go’antahay in la dhiso, taas oo uu maanta dhagax dhigay.
Waxaana munaasibada wadadaa dhagax dhigeeda loo qabtay oo ka dhacday duleedka Boorama kaga dhawaaqday madasha in ay ku tabarucay dahabkeeda Fanaanada Ruun Xaddi oo munaasibadaa ku bixisay Bedled Dahab ah oo ay xidhnayd, taas oo ficilka ay ka samaysay goobta uu si weyn u dhaqaajiyay dareenka dadka. Kadib markii ay muujisay shuceerteeda wadaninimo iyo taageerada ay sida cad ugu muujisay dedaalka xukuumadda ee dhsimaha wadooyinka dalka oo u baahan taageerada bulshada Somalilland.

info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *