Hargeysa (ANN) Maalinta oo ah  Salaasada  ayaa la filayaa inay Madaxtooyada Somaliland ka dhacdo munaasibada xil wareejinta ee ay xilka kulak ala wareegayaan labada Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin oo ah Madaxweynaha lagaga adkaaday doorashadii madaxtooyada ee dalka ka qabsoontay 26 Jun, 2010, taas oo natiijadeeda lagu dhawaaqay 1 July 2010, isla markaana waxa munaasibadaa xilka hogaaminta dalka kula wareegaya Madaxweynaha ku guulaystay doorashada Axmed Maxamed Maxamuud siilaanyo.
Munaasibada oo isugu jirta xil wareejin iyo dhaarinta Madaxweynaha cusub xilka loogu dhaarinayo shanta sanadood ee soo socda, munaasibadaa oo maalimihii u danbeeyay ay socotay qaban qaabadeedu, isla markaana ay indhaha ku hayeen shacbiga Somaliland iyo mujtamaca daneeyageedi socodka doorashooyinka iyo dumuqraadiyada Somaliland. Waxaana la filayaa inay munaasibada xaflada iyo dhaarinta madaxweynaha cusub kasoo qayb galaan wufuud ka socota dawladaha geeska iyo Bariga Afrika, kuwaas oo wefdigii u horeeyay oo ka socday Djibouti shalay soo gaadheen dalka. sidoo kale waxa  munaasibadaa kasoo qayb galeya ganacsato iyo shirkado shisheeye. Sida shirkada Haamaha shidaalka  ee Total iyo koox ka socota ganacsadaha kootada ku haysta dhoofinta xoolaha Somaliland ee al jaabiri oo koox ka socotaa durba soo gaadheen dalka. iyadoo wakiilo Dublamaasiyiin ka socda wadamada Britain, Swden Norwey iyo wadamo  kale  yimaadeen. Sidoo kale   waxa la  filayaa ilaa subaxnimada ka hor inta aanay xafladu dhicin inay yimaadaan dublamaasiyiin iyo wufuud ka socota dalalka daneeya Somaliland iyo Ha’yado caalami ah.
Xafalada munaasibada waxa maamulaya masuuliyiin  ka tirsan xukuumada xilka wareejinay, kuwaas oo Madaxweynaha xilka wareejinayaa magcaabay, iyadoo madaxweynaha cusub ee xilka la wareegayaana horaantii bishan magcaabay gudiyo kala duwan oo qaarkood lagu sheegay inay qaban qaabinayaan xaflada xil wareejinta.
Dhinaca kale magaalada caasimada ah ee Hargeysa ayaa maalmihii u danbaysay la ciir ciiraysay gaadiid iyo dad, taas oo sababtay inay gebi ahaanba buuxsamaan huteelada dhinaca hurdada ee magaalada, isla markaana waxa jirtay saxmad dhinaca wadooyinka iyo gaadiidka ah, iyadoo dhinaca kalena ciidamada amaanku bilaabeen inay xaalada mudada kala guurka sameeyaan feejignaan dheeraada, waxaana khamiistii todobaadkii hore qasriga madaxtooyada kulan gaara ku yeeshay labada madaxweyne ee xilka la kala wareegaya, kulankaa oo sida warar ku dhow dhowi sheegeen arrimaha ay ka wada hadleen ay ka mid ahaayeen xaflada xil wareejinta iyagoo si gaara ugu soo qaaday xaalada amaanka inta lagu guda jiro mudada kala guurka, isla markaana kulankaa ka dib  waxa lagu wargeliyay ciidanka amaanka inay si gaara u galaan heegan guud inat ay socoto hawsha xil wareejinta iyo munaasibada ay labada madaxweyne xulka kula kala  wareegayaan.
Hase yeeshee warar la xidhiidha dhinaca amaanka ayaa tibaaxaya inay jirto cabsi weyn, iyadoo saraakiisha dhinaca amaanku ay heleen xoggo ku saabsan qorshayaal la doonayo in lagu waxyeeleeyo amaanka  oo  ay wadaan kooxaha aragagixisada, waxayna ciidanka Bilayska Somaliland ganacnta ku dhigeen maalmihii lasoo dhaafay la qof oo meelo kala duwan lagu qabtay, kuwaas oo mid ka mid ah laga qabtay Masjidka weyn ee Tabliiqiyiinta oo ku yaal dhinaca Barriga Magaalada Hargeysa oo uu waqtigan ka socdo kulan Diimeed Caalami ah  oo ay tobanaan kun oo tabliiqiyiin ahi kasoo qayb galeen, kuwaas oo ka kala yimi dacalada dunida. Balse xogo lagu kalsoonaan karo oo shebekada Arweelonews ka heshay saraakiisha Bilayska ayaa tibaaxaya in Ninkaa lagu qabtay Masjidka aanu ahayn sidii la modayay ee looga shakiyay.  Laakiin Nin kale oo todobaadkii hore ay ciidanka amaanku gacanta ku dhigeen oo ka mid ah isagu kooxha xarakada Al-shabaab uu qirtay inay ka mid ahaanshaha Kooxdaa, isla markaana uu baadhista lagu sameeyay iyo su;aalaha la weydiiyay lagu ogaaday shirqoolo iyo qorshayaal ay doonayaan inay fuliyaan kooxahaasi, iyadoo baadhista ninkaa ay ciidanka bilaysku weli wadaan.
Inkasta oo ay jiraan xaalado cabsi iyo wer wer ahi, hadana amaanka ayaa si weyn loo adkeeyay, isla markaana mar kale ayaa maalinimadii Sabtidii lagu war geliyay Masuuliyiinta Ciidamada inay feejignaadaan mudada kala guurka. Isla markaana kaadhadhka loo qorsheeyay Masuuliyiinta ka socota dhinaca Madaxweynaha Cusub iyo xisbigiisa iyo sidoo kale xisbiga mucaaridka ah ee UCID, ama kuwa golayaasha Baarlamaanka ayaa la xadiday iyadoo tiro yar la siiyay, halka gebi ahaanba aan wax kaadhadh ah oo marti qaad ah la siin xubnaha Komishanka, iyadoo ay taasi jirto ayay soo baxayeen sacadihii danbe ee xalay cawayskii warar iyo sheekooyin sheegaya in Kaadhadhka lagu gelayo xafladaa oo la iibinayo suuqa lagu arkay suuqa, kuwaas oo qiimahooda lagu sheegay $ 10 (toban Dollar), taas oo abuurtay cabsi iyo wer wer, maadaama ay fursad ka heli karaan kooxaha  doonaya inay hawlgalo ka dhan ah amaanku galaan munaasibada xaflada.
Dhinaca kale Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin ayaa la filayaa inuu dalka ka dhoofo sideed iyo Afartan saacadood ka dib, iyyadoo ay wararku sheegayaan inuu maalinta Khamiista, ama jimcaha u duulo safar dhinaca Dalka Faransiiska ah, halkaas oo ay kaga horeeyaan marwadiisa Huda Barkhad oo Jimcihii todobaadkii hore ka  dhooftay Madaarka Berbera, isla markaana uu hore u deganaa qoyskiisu.waxaana wararka qaar sheegayaan inay suurta gal tahay inuu Madaxweynaha xilka wareejinaya iyo laba xubnood oo ka mid ah golihiisa wasiiradu raacaan wefdiga dhinaca dalka Djibouti marka ay munaasibadu dhamaato maalin ka dib.
Madaxweynaha xilka la wareegaya oo casuumadii u horaysay ay u fidisay dawlada Djibouti ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo dawladiisa habeenimada Arbacada, iyadoo ay xubnaha dawlada ka mid noqon doonaan ilaa saddex xubnood oo dumar ah, balse waxa jira tibaaxo hor dhac ah oo sheegaya in xubanaha goalaha wasiirada ee xukuumada Axmed siilaanyo ay haweenku noqonayaan laba xubnood oo keliya, isla markaana golaha wasiirada ayaa sida wararka qaar sheegayaan ka kooban 16 wasaaradood, iyadoo ay hore gudida uu madaxweynaha cusubi u xil saaray qaabka ay noqonay dawladiisa kooban ay talo ugu soo celiyeen inay ka koobnaato 15 wasaaradood oo aan lahayn wasiir ku xigeeno iyo wasiiru dawlayaal toona.
Si kastaba ha ahaatee waxa waxay shacbiga Somaliland iyo dawladaha iyo daneeyayaasha Somaliland indhaha ku hayaan munaasibada xil wareejinta iyo dhaarinta ee saaka ka dhacaysa qasriga madaxtooyada, isla markaana waxay shacbiga Somaliland u dheg taagayaan dhawaaqa xukuumada cusub ee laga sugayo madaxweynaha la dhaarinayo oo wixii ka danbeeya dhaarta dastuuriga ah ku dhawaaqaya golihiisa wasiirada.
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Hargeysa Office  
E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com/ shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *