Aqoonyahan Axmed Ismaaciil Samatar oo  u dhashay Somaliland, balse si weyn ugu riyoon jiray, isla markaana u ololayn  jiray midnimo Soomaaliweyn, ayaa kusoo laabtay dalka Todobaadkan, kadib markii uu mudo dheer
ku noolaa Cariga Maraykanka.

Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo ay walaalo yihiin aqoonyahanka kale
ee Cabdi Ismaaciil Samatar, waa laba nin oo ka mid ah Aqoonayahanada
Soomaalida ee aadka loo bartay, waxayna kasoo jeedaan deegaanka
galbeedka Somaliland ee Gebilay.

Labada nin waxay si weyn ugu soo shaac baxeen dagaal af iyo adin ah oo
ay kula jireen Somaliland labaatankii sanadood ee ay jirtay, iyagoo
qadiyada Madaxbanaanida iyo jiritaanka qaranimada Somaliland ku
macnayn jiray dhalanteed aan xaqiiqda ku fadhiyin, isla markaana ay
ku doodi jireen  in  aanay  ahayn  lasoo noqoshada qaranimada iyo
madaxbanaanida Somaliland mid ka timi shacabka, balse ay koox yar, ama
qoys keliya ku kooban tahay. Sidaa awgeed aanay macquul ahayn in la
dhegeysto xasiloonida, qaranimada iyo madaxbanaanida ay sheeganay
Somaliland.

Prof. Axmed iyo Walaalkii  Prof. Cabdi dagaalkoodu kuma sinayn
labaatankii sanadood ee ay Somaliland jirtay, bale waxay si cidiyo ku
dirir ah kula jireen ku dhowaad toban sanadood oo ay shacbiga
Somaliland dagaal hubaysan kula jireen Taliskii Milateriga ahaa ee
Maxamed  Siyaad Barre, kaas  oo waqtigaa marayay meeshii ugu adkayd ,
isla markaana xasuuq ay xiligaa ka samaynayeen Ciidamadii Taliskaa ay
ka socdeen deegaanada Somaliland intooda badan. Laakiin labada
aqoonyahan iyagoo si cad ula socday waxa dhacaya iyo xaalada ayay  si
babdheedh ah isu garab taageen Taliskaa Macangaga ahaa ee xasuuqayay
shacbiga, iyadoo Gebilay oo ah halka ay ku dhasheen ee ku barbaareen
labada aqoonayahan ay ka socdeen waqtigaa dhacdooyinkii ugu naxariista
darnaa ee ay shacbiga u geystaan Taliskaa Milateriga ahaa, kuwaas oo
Nolosha ku gubay dadka shacab ah. Kadib markii inta ay  Patrool ku
shubeen dab qabadsiiyeen, laakiin dhacdooyinka iyo xasuuqyadii kale ee
dadka oo Nool lagu dalacay Iskarogooyinka iyo kumaan lafohooda
sagaashanaadkii laga helay xabaalo wadareedyada Malka-durduro ee
duleedka Hargeysa iyo meelo kale, waxa kama bedelin damiirkooda
bini’aadanimo Prof. Axmed iyo Prof. Cabdi, waxayna  sii wateen
dagaalkii dhinaca borobagaandada  ee ay  adeegsnayeen warbaahinta
aduunka, iyagoo  geed dheer iyo geed gaabanba u fuulay  inuu
guuldaraysto halgankaa shacbiga ee uu hormoodka u ahaa Ururkii
Hubaysnaa ee SNM.

Hase yeshee markii shacbiga Somaliland ka guukaysteen Taliskaa
Milateriga ahaa ee ay burburtay Dawladii Somalia, waxa Ururkii SNM ka
hirgeliyay Somaliland kulmo nabadeed oo saldhig u ahaa dhismaha lasoo
noqoshadii xoriyadii iyo madaxbanaanidii luntay 1960, waxaana
magaalada Burco ee xarunta Togdheer lagaga dhawaaqay in ay Somaliland
lasoo noqotay madaxbanaanideedii.

Somaliland waxay soo martay marxalado dib u heshiisiin iyo kacaa kuf,
waxayna mudadaa dhawr iyo labaatanka sanadood ee dunida ay aqoonsiga
ka doonaysay labada Aqoonayahan markii uu burburay Talsikii Milateri
dagaalkooda  u wareejiyeen sidii ay  aduunka uga dhaadhicin lahayeen
in aanay Somaliland wax garawshiiyo ah ka helin beesha Caalamka,
iyagoo doodo iyo qoraalaba si xaqiirnimo ah ku dafiray xaqiiqda dhabta
ah ee ka jirta Somaliland, balse isku deyayay inay  u sawiraan in
xaalada Muqdisho oo jaah wareer, colaado iyo dhibaatooyinku jirtay
labaatankaa sanood  iyo Hargeysa oo nabad xasilooni, Nidaam dawladeed
iyo horumar sii kobcayay iyo doorashooyin dumuqraadiyadeed oo tartanka
asxaabta iyo dastuur ku yimi ka jireen ay u ekaysiiyaan Muqdisho.

In kasta  oo ay beesha caalamka iyo wadamo badan oo dunida ah ay mar
hore xaqiiqsadeen waaqica dhabta ah ee Somaliland oo ay ku majeerteen
deganaansho iyo xasilooni si weyn uga duwan dalalka geeska iyo kuwo
dunida kale ee dawlado waaweyn ah,  balse walaalaha aqoonayahanada ah
ayaa is diidsiiyay xaqiiqda dhabta ah ee beesha caalamku ka markhaati
furtay, waxayna iyagoo indhaha ka lalinaya dhegaha ka furaysteen oo
gebi ahaanba is diidsiiyeen inay waajahaan xaqiiqda aan la dhaafi
Karin ee dunidu ka markhaati noqotay, taas oo dhaawacday
aqoonyahanada iyo kuwa ay xulufada ahaayeen quluubtooda.

Prof. Cabdi  Ismaaciil Samatar oo ay walaalo yihiin Prof.  Axmed
Ismaaciil Samatar, waxay dagaalka xaqiraada iyo gefka ay ku hayeen
masiirka qaranimada iyo jiritaanka shacbiga Somalialnd fursad weyn ka
heleen mudadii uu Idaacada BBC-da Laanteeda Af-soomaliga Maamulayay
Yusuusf Garaad oo u ekeysiiyay Idaacadda meel ay si joogta ah uga sii
daayaan dacayadaha iyo borobagaandada ka dhanka ah qaranimada
Somaliland, isagoo mar walba ku casuumi jiray barnaamijyada ka baxa
idaacadda ee la doonayay in lagu manja –xaabiyo xasiloonida iyo
jiritaanka qaranimada Somaliland, wuxuuna Yusuusf Garaad u tusay
Bulshada Soomaalida in aanay jirin aqoonayahano kale oo aan ahayn
labadaa Nin ee walaalaha ah.

Labada Aqoonayahan  ee walaalaha ah oo ay  weheliyaan Raysal
Wasaarihii hore ee  Cabdirisaaq Xaaji Xuseen, Cismaan Kalluun iyo
aqoonyahanno kale, waxay February 2011,  ku dhawaaqeen   xisbiga
cusub  ee ay ku magcaabeen “Hiil-Qaran”, kaas oo waqtigaa   Prof.
Cabdi Ismaaciil Samatar sheegay in uu wakiillo ku leeyahay gobollo
kala duwan oo ka tirsan Somalia iyo Somaliland, balse muu xusin
waqtigaa meelaha ay joogaan wakiilada xisbigaa iyo kuwa ay yihiin.

Prof.  Axmed Ismaaciil Samatar oo ka fal celinaya shirkii 27 February
2012  dawlada Britain ku qabtay dalkeeda ee lagu go’aamiyay inay
mustaqbalkooda ka wada hadlaan Somalia iyo Somaliland, wuxuu isagoo ka
qaybqaadanaya barnaamij falanqayn Idaacadda VOA laga sii daayay yidhi,
“ Haddii laga faa’idaysanayo dawladahaa isu yimi waxa loo baahanyahay
Somalia in la geliyo sanandkii 1Bilyan,  ama 1.5 Bilyan mudo todoba
sanadood ah,  maalgashi si loosoo dhiso dhaqaalihii Somalia, waxaana
Soomaali hortaala maanta in laga tago 4.5, gobol gobol yar oo
googo’aya in laga tago oo loo hadlo qarankii weynaa ee Soomaaliyeed,
dad aragti cusub iyo hadaf leh oo u hadli kara Soomaali  in la keeno”.

Porf. Axmed waxay walaalo yihiin porf. Cabdi Ismail Samatar, waana
laba nin oo si weyn ay ugu fogaatay cunsuriyarad iyo nacaybka
Somaliland, taas oo ay ku qariyaan riyadooda midnimada Somalia.
labadan Nin ayaa si weyn loogu buun-buuniyay Idaacada BBC-da Laanteeda
Af-ka Soomaaliga mudadii ay gacanta u gashay Yuusuf Garad, kaas oo u
aqoonsaday inay Soomaalida ka dhasheen labadaa Porf, balse aanay jirin
dhiniciisa cid kale oo arrimaha Somalia iyo kuwa caalamkaba wax laga
weydiiyo, taas oo Yuusuf Garaad ay kaga midaysnaayeen dagaalka dhinaca
warbaahinta ee Somaliland la doonayay in lagu waxyeeleeyo. Laakiin
markii mala awaalka aan ku dhisnayn xaqiiqda iyo nacaybka gaamuray ee
Aqoonayahanada guuldaraystay.

Prof. Axmed Ismaaciil iyo Saaxiibkii Yuusuf Garaad oo iska casilay
Idaacadda BBC-da waxay ka qaybgaleen doorashadii kal hore ee Somalia,
taas oo ay labudaba isku sharaxeen xilka Madaxweynaha ee tartanka adag
loo galay, balse waxay la kulmeen guuldaro weyn, kadib markii mid
walba  sideed cod dhaafi waayay.

Guuldaradaa iyo wejigabaxa soo waajahay Prof. Samatar iyo Saaxiibkii,
waxa uu sababay inuu iska casilo xubnimadii Baarlamaanka dawlada
Federaalka Somalia April 2013, wuxuuna bilaabay maalmo ka dib in uu si
aan looga baran uga hadlo marka laga weydiiyo wax arrimaha Somalia oo
uu rajo la’aan ka muujiyay, isagoo taa bedelkeedana amaanay Somaliland
iyo hrumarka ay gaadhay.

Prof. Samatar sidoo kale wuxuu sheegay in aan lagu khiyaamayn
Somaliland wada hadalada ay la gashay dawlada Somalia ee Federaalka,
balse marka laga yimaado dhawaaqyadaa iyo xilka xubinimada
Baarlamaanka ee uu iska casilay muu cadayn inuu ka noqday Mawqifkii
Soomaali weyn iyo riyadii ay mudada dheer ku jireen isaga walaalkii
Prof. Cabdi iyo halka ay ku danbaysay, wuxuuna Maalamahaa carabka ku
dhiftay inuu booqasho ku tegayo Somaliland oo ay tahay halkii uu ku
dhashay.

Aqoonayahan Axmed Ismaaciil Samatar oo todobaadkan yimi Somaliland,
wuxuu la kulmay soo dhowayn aanu filayn, taas oo ku riday ashqaraar,
isagoo ujeedada socdaalkiisa ku micneeyay mid la xidhiidha sidii uu
xaalada dalka Somaliland wax uga ogaan lahaa oo uu booqan doono Saylac
iyo Ceergaabo.

Ujeedada socdaalkiisa aan cadayn iyo aamuska uu ka gaabsaday inuu
jawaab ka bixiyo in isbedel ku yimi mawqifkii hore iyo riyadii mudada
dheer uu ku jiray, waxay abuureen doodo iyo su’aalo la xidhiidha sida
loo aamini karo ee ay xukuumadda Somaliland ugu ogolaatay dalka,
isagoo aan cadayn mawqifkiisa siyaasadeed iyo wuxuu aaminsan yahay oo
aan gefkii iyo dulmigii ay mudada dheer isaga iyo walaalkii Prof.
Cabdi ku hayeen qaranimada iyo masayrka shacbiga Somaliland saxaafada
horteeda ka cadayn inuu ka toobad keenay.

In kasta oo ay jiraan doodaha qaar soo dhowaynaya imaatinkiisa
dalkiisa uu mudada dheer is diidsiinayay, isla markaana ay soo baxeen
xoggo kusoo beegmay socdaalkiisa oo la hadal hayo in ay suurta gal
tahay inuu ka mid noqdo isku shaandhayn Madaxweyne Siilaanyo
xukuumaddiisa ku samaynayo xubnaha cusub ee lagu soo darayo, hadana
waxa jira doodaha bulshada qaar badan oo ganafka ku dhifanaya in xil
loo dhiibo oo masayrka ummada lagu aamino qofka aqoonayahanka ah ee
nacaybka iyo caadifada ku socday sodonka sanadood oo aqoontiisa iyo
caqligiisa ay labaduble u xidheen naxliga iyo nacaybka Somaliland, ka
hor intii aanu kasoo go’in gidaarka muqdisho,  waxayna  ku
tilmaamayaan inuu yahay shaqsi taariikh madaw ku leh Somaliland, isla
markana aan weli la ogayn mawqifkiisa siyaasadeed iyo ujeedada
socdaalkisa doodaha iyo su’aalaha badani ku xeeran yihiin.

Doodahaa ayaa ku  tilmaamaya socdaalka Prof, Samatar mid khatar ku ah
Somaliland inuu dhex joogo, isagoo weli dhabarka iyo caloosha ku sita
nacaybkii iyo xaqiraadii sodonka sanadood ay wadeen aqoonayahanada
walaalaha ah. Sidaa awgeed loo bahan yahay in uu shacbiga hortiisa ka
cadeeyo mawqifkiisa oo cafis weydiisto, balse aanay micno samaynayn
“Madaxweynahaa I casuumay”, taas oo aan ahayn wixii laga filayay Prof.
Axmed Samatar oo u sacab tumayay tageeradii xasuuqa Taliskii Siyaad
Barre ku hayay shacbiga Somaliland iyo dagaalkii ay isaga walaalkii
labaatanka sanadood ku hayeen qaranimada iyo jiritaanka Somaliland oo
aan la ogayn halka uu kaga hadhay.

By, Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human rights Activist.
E-mail Jaamac132@gmail.com
info@araweelonews.com
www.arraweelo.com
www.araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By Arraale M. Jama

Araweelo News Network is a Associated Online Agencies established and operated by Somali senior journalists Arraale M. Jama, Araweelo News Network is a one of the most popular Somali Media Online, created by the one of the senior Journalist and human rights activist Arraale Mohamoud Jama 2010. Araweelonews is an independent non-profit and is not affiliated with any political party or group. Its mission is to inform and to educate people of Somaliand and Somali community democracy, Human rights issue, Health $ Education and awareness. Editor-in-Chief, Arraale M. Jaama Freelance Journalist and Human Rights Activist. Contact E-mail; Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *