araweelonewsAddis-ababa (Araweelo News Network) Dawlada Ethiopia ayaa xabsiga dhigtay todobaadkan dad sitay Baasaboorka Somaliland, kuwaas oo looga shakiyay in ay xidhiidh la leeyihiin kooxaha

 

Argagixisada ee ku filqan aduunka.
Dadka la xidhidhay ayaa dhamaantood ahaa dad u dhashay Koonfurta Somalia, balse sitay Baasaboorka Somaliland oo ay ka qaateen magaalada Hargeysa kadibna ay ku galeen Ethiopia. Sida ay sheegayaan warar laga soo xigtay saraakiil ka tirsan ciidanka amaanka, waxa dadkaa oo gaadhaya 12 qof la qabtay kadib markii warar sirdoonka dhinaca Maraykanka iyo la dagaalanka argagixisadu soo weriyeen macluumaad la xidhiidha dadkaa oo ay ciidamada Dalka Ethiopia ku war geliyeen in la baadho goob ay ku sugnaayeen dadkaa oo  looga shakiyay in ay hawlgalo ka dhan ah dhinaca amaanka doonayeen in ay ka fuliyaan magaalada Adis-ababa ee xarunta dalka Ethiopia.

Hase yeeshee warar kale ayaa sheegaya in raggaas la qabtay oo lala xidhiidhiyay kooxda Al-shabaab la ogaaday in ay ahaayeen kuwo sii qorshaynayay hawlgalo ka dhan ah amaanka dalka Ethiopia, kuwaas oo wararka qaar sheegayaan in ay si sharcidaro ah uga galaan dalka Ethiopia dhinaca xadka ay la wadaagaan Somaliland, iyagoo aan sidan wax sharci ah, isla markaana ay dawlada Ethiopia oo ka cabsi qabta falal argagixiso ay xidhay gebi ahaanba xuduudka ay la wadaagta dalalka Somaliland, Soodaan, Koonfurta Soodaan, Somalia, Kenya, ariteria iyo Djibouti, marka laga reebo dhinaca duulimaadyada dhinacyada Cirka ee ka imanaya dalalka ay jaarka yihiin.

Maraykanka iyo Britain ayaa dhowaan ka digay khatar kasoo foole Dalka Ethiopia, waxayna tilmaameen meelo cayiman oo ka mid ah dalka Ethiopia oo ay uga digeen muwaadiniintooda,

Xukuumadda Somaliland ayaa wax jawaab ah ka bixin tallaabada ay Dawlada Ethiopia ku xidhay xadka ay la leedahay ee dhinaca Wajaale. Masuuliyiinta xukuumadda oo aanu la xidhiidhnay marar kala duwan si wax looga weydiiyo wararka la xidhiidha dadka la qabtay iyo sababta loo xidhay xuduudaha ay Somaliland la leedahay dalalka Ethiopia iyo Djibouti ayaanay noo suurta gelin.

Sidoo kale waxa iyana gebi ahaanba la xidhay xadka u dhexeeya Djibouti iyo Somaliland, kaas oo kusoo beegmay laba todobaad ka dib markii dalka Djibouti qarax ka dhacay Huteel uu khasaare dhimasho iyo dhaawac ah u geystay dad ajaanib ah. 
Qaraxaa oo ay sheegteen koxoda Al-shabaab ee ka dagaalanta Somalia, kuwaas oo ku dooday in ujeedada qaraxasi ahaa sidii ay u weerari lahaayeen danaha reer galbeedka ee mandaqada.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Cabdiraxmaan Cirro oo shalay ka hadlayay munaasibad xisbigiisa WADDANi kusoo dhoweeyay xubno kusoo biiray ayaa usoo jeediyay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo in ay shacabka uga warranto, talana laga siiyo sababta loo xidhay xuduudaha waddamada jaarka ah ee Ethiopia iyo Djibouti, waxaannu ku tiraabay; “Waxa aad baryahan maqlayseen in la xidhay xuduudaha dalalka aynu jaarka nahay, xukuumaddu tolow miyey innooga warantay arrinkaas? Waxaan u soo jeedinayaa xukuumadda Somaliland hadday dhacdo sida haddaba dhacday in la xidho xuduudaha Somaliland in shacabka looga waramo oo loo sheego, talana laga siiyo, shacabku wuxuu xukuumadda ka mudan yahay in ay warbixin saafiya ka siiso.” Ayuu yidhi Gudoomiye Cirro.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *