Dagaalo Ka Socda Kismaayo Iyo Ciidamada Kenya Oo Xabsiga U Taxaabay Sarkaalkii Abaanduulihii Ciidamada Dawlada Ee Ku Sugan KismaayoKismaayo(Arraweelo News) Dagalo ayaa ka socda magalada sida weyn loogu muransanaa maamulkeeda mudooyinkii u danbeeyay ee Kismaayo ee xarunta u ah gobalka Jubbada Hoose, dagaalka ayaa ka dhex-qarxay maleeshiyaad kala taageersan

 

Axmed Madoobe iyo Barre Hiiraale oo labaduba sheegta inay maamulaan Kismaayo.

 

Dad Goobjoog ah ayaa sheegaya in dagaalku uu ka socdo xaafadda Siinay ee waqooyiga magaalada, isla maraakana  uu ku fiday qeybaha dhexe ee magaalada iyo wadada tagta Dekedda Kismaayo.

 

Lama oga khasaaraha dhabta ah ee dagaalka, balse wararka qaar ayaa sheegaya in ay jiraan dhiamsho iyo dhaawac labada dhinac. Sidoo kale dagaalka ayaa sababay inay dadku ka qaxaan magaalada.

 

Dhinaca Dagaalka oo daba socday isku dhacyo labada dhinac Malayshiyo kala taageersan iyo xiisad ka taagnayd, balse ay xaaladu maanta faraha ka baxday. Kadib  maanta la xidhay abaanduulaha ciidamada dowladda ee gobolada Jubbooyinka, Col Cabaas Ibrahim Gurey, kaas ciidamada Kenya eek u sugan Kismaayo xabsiga dhigeen, isla markaana diyaarad Milateri u saareen dhinaca Wajeer ee xadka labada dal.

 

Sarkaal ka tirsan dowladda Federaalka Somalia ayaa xaqiijiyay in Col Cabaas ay xidheen ciidamada Kenya, kuwaas oo saaka barqadii ka qabtay  garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo, ka dibna u duuliyay magaalada Wajeer.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *