Kismaayo(Arraweelo News) Dagalo ayaa ka socda magalada sida weyn loogu muransanaa maamulkeeda mudooyinkii u danbeeyay ee Kismaayo ee xarunta u ah gobalka Jubbada Hoose, dagaalka ayaa ka dhex-qarxay maleeshiyaad kala taageersan
Axmed Madoobe iyo Barre Hiiraale oo labaduba sheegta inay maamulaan Kismaayo.
Dad Goobjoog ah ayaa sheegaya in dagaalku uu ka socdo xaafadda Siinay ee waqooyiga magaalada, isla maraakana uu ku fiday qeybaha dhexe ee magaalada iyo wadada tagta Dekedda Kismaayo.
Lama oga khasaaraha dhabta ah ee dagaalka, balse wararka qaar ayaa sheegaya in ay jiraan dhiamsho iyo dhaawac labada dhinac. Sidoo kale dagaalka ayaa sababay inay dadku ka qaxaan magaalada.
Dhinaca Dagaalka oo daba socday isku dhacyo labada dhinac Malayshiyo kala taageersan iyo xiisad ka taagnayd, balse ay xaaladu maanta faraha ka baxday. Kadib maanta la xidhay abaanduulaha ciidamada dowladda ee gobolada Jubbooyinka, Col Cabaas Ibrahim Gurey, kaas ciidamada Kenya eek u sugan Kismaayo xabsiga dhigeen, isla markaana diyaarad Milateri u saareen dhinaca Wajeer ee xadka labada dal.
Sarkaal ka tirsan dowladda Federaalka Somalia ayaa xaqiijiyay in Col Cabaas ay xidheen ciidamada Kenya, kuwaas oo saaka barqadii ka qabtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo, ka dibna u duuliyay magaalada Wajeer.