guriga Mader houseHargeysa(Araweelo News Network)Guriga uu ka dhacay dilkii foosha xumaa ee todobaadkii hore lagu khaarajiyay Marxuumad Ruqiya Siciid Ayaanle oo ku yaal dhinaca bariga Magaalada Hargeysa ayaa

 

lagu soo roggay lacag dadka doonaya in ay arkaan guriga uu ka dhacay falkaa oo si weyn uga yaabiyay Bulshada Somaliland, isla markaana noqday sheekada ugu hadal haynta badan labadii todobaad ee u danbeeyay.

Qaar badan oo ka mid ah dadweynaha uu layaabka ku noqday dilkaa foosha xun ayaa tan iyo markii todobaadkii hore laga helay Maydka Marxuumadda guriga ay deganaayeen qoyska loo haysto shirqoolka lagu khaarajiyay Marxuumad Ruqiya Siciid Ayaanle, waxay doonayeen in ay indhohooda kusoo arkaan gurigaa, balse ciidamada Booliska iyo qaar ka mid ah ehelada qoyska dilkaa loo haysto oo ku sugan guriga ayaa bilaabay in ay lacag $ 1 dollar ah kusoo rogaan qofka doonaya in uu indhihiisa kusoo arko giriga oo uu ku yaal godka laga soo saaray Maydka Marxuumadda ka hor intii aan la aasin todobaadkii hore.

Dad kala duwan oo ku sugan xaafadaha u dhow gurigaa iyo kuwo doonayay in ay booqdaan ayaa u sheegay shebekaddaha Arraweelo.com iyo Araweelonews in qofka doonaya in uu galo gurigaa laga  doonayo qadar lacageed ooh al dollar ah, “waan iskaga soo noqonay markii nalagu yidhi hal dollar ayaa lagaa qaadayaa hadaad doonay inaad eegto gurigaa” sidaa waxa yidhi mid ka mid ah dadkii doonayay in ay soo eegaan gurigaa oo ku yaal dhinaca bariga Magaalada Hargeysa.

Qaar ka mid ah dadka doonaya in ay soo arkaan gurigaa waxa dhegehooda ka batay warar laysla dhexmaryo labadii todobaad ee u danbeeyay markii ay soo baxday dhacdadan oo si weyn uga yaabisay bulshada Somaliland, isla markaana ku abuurtay murigo iyo naxdin, waxayna sheekooyinka sida weyn laysula dhexmarya qaarkood sheegayaan in guriga laga helay Laffo qalfoof iyo sheekooyin kale oo odhanaya waxa la dumiyay guriga si baadhitaan dheeraad ah oo la xidhiidha dad la layahay looga eego halkaa, balse sheekooyinkaa ayaa dhamaantood ah kuwo samays ah oo aan xaqiiqda ku fadhiyin.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *