sh Moh Idiris
Mombasa(Araweelo News Network)Koox dabley ah ayaa magaalada xeebta ah ee Mombasa toogasho ku diley wadaad ka mid ah kuwa ugu caansan Culimada Muslinka ee dalka Kenya.

 

Sheekh Max’med Idriis ayaa la toogtay xilli uu kasoo baxayay gurigiisa oo kuyaal xaafadda Likooni ee bariga Mombaasa,weerarkan ayaa dhacay saaka aroortii hore.

Sheikh Mohamed Idris, wuxuu ahaa madaxa Golaha Imaamyada iyo Daaciyiinta Kenya, mana jirto cid sheegatay weerara lagu khaarajiyay sheekhaa, balse Ciidamada Booliska Kenya ayaa sheegay in ay wadaan baadhitaanno ay ku baadi goobayaan kooxihii weerarka geystay.
Magaalada Mombaasa ee ku taal xeebta dalka Kenya waxaa sanadadii lasoo dhaafay ka dhacayay dilal qorshaysan oo lagu fulinayay culimaa’udiinka muslimiinta, waxaana hore loogu dilay weeraro qorshaysan culimo caan oo ay ka mid ahaayeen Sheekh Makabuuri,Samiir Khaan iyo sheekh Caabudo roogoow, kuwaas oo dilalkooda lagu eedeeyay in ay ku lug lahaayeen ciidamada ammaanka dalka Kenya.
Waxayna Saddexda hoggaamiye ee Muslimiinta ah ee hore magaalada  Mombasa loogu diley  lagu eedeen jiray ka hor intii aan weeraro qorshaysan lagu khaarajin  inay xidhiidh la lahaayeen kooxda Al Shaba eek a dagaalanta Somalia, kuwaas oo xidhiidh la leh Urur weynaha  Al Qaacida.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *