Muqdisho(ANN)Dhaq-dhaaqyo iyo abaabul la doonayo in lagaga soo horjeesto Dastuurka cusub ee dusha lagaga keenay Somalia, ayaa laga wadaa Magaalada Muqdisho maalmihii u danbeeyay, kuwaas oo dhinac socday kadib markii maalmihii lasoo dhaafay ay halkaa isugu tageen Odayaal
dhaqan oo ka kala socda bulshada deegaamo baddan oo ka tirsan Somalia oo la doonayo inay soo xulaan ergooyin ka kooban 825 oo ansixiya dastuurkaa.Warar kala duwan oo aanu ka helay Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay inay jiraan abaabulo ay hormood ka yihiin wadaado caan ka ah Somalia, gaar ahaan magaalada Muqdisho iyo deegaamada ku dhow, kuwaas oo wada qorshe lagu hor istaagayo dastuurkaa, isla markaana doonaya in Masaajidada intooda baddan maalinta Jimacaha 11 May 2012, oo ku beegan beri qudbadaha lagaga hadlo sida aanu qorshaha dastuurka ay wado Dawlada taagta daran ee Sh. Shariif Sheekh u socon oo kacdoon shacbi looga horgeeyo.
Sheekh Axmed Dhicisoow oo ka mid ah cullimada waaweyn ee Muqdisho, ayaa ku dhawaaqay todobaadkan inay mudaharaad ka dhan dastuurka cusub ee Somalia ka samaynayaan magaalada Muqdisho maalinta Jimcaha, kaas oo sida uu xusay ay ka qaybqaadanayaan ku dhowaad hal milyan oo qof. Wuxuuna Sh. Axmed ku dooday inaau ahayn dastuurku mid dadka iyo dalka Soomaaliyeed anfacaya, isla markaana uu kasoo horjeedo Diinta Islaamka iyo dhaqanka suuban ee Bulshada Soomaaliyeed.
Sidoo kale Jimadii la soo dhaafay ayey ahayd markii Sheikh Maxamed Cabdi Umal oo ka mid ah Culimada ugu caansan geyiga Soomaalida uu khudbadiisii Salaada Jimcaha si kulul ugaga hadlay dastuurka cusub ee Somalia, wuxuuna isagoo ka hadlaya Sh. Umal yidhi, “ Dastuur qoran waxaa fahmi kara oo keliya waa dad yaqaan qaanuun ahaan waxa uu ka tarjumayo. Markaa in dad caamo ah lasoo ururiyo oo la yidhaahdo ummaddii Soomaaliyeed oo malaayiinta ahayd ayey ka tarjumayaan, kaddibna la yidhaahdo farta taaga waan ansixinay, maxay tahay sirta ku jirtaa, sirta ku jirtaa waxaa weeye wax aadan diyaarsan, talona aadan kulahayn, ee laguu soo diyaariyey ayaa la doonayaa in lagu laqsiiyo oo aad qaadato, ama jeclaw ama nebcaw. Kaddibna maro been been ah loo huwiyo.” Ayuu yidhi. Wuxuuna ugu baaqay bulshada in la diido Dastuurkaa.
Sidoo kale waxa jira Odayaal iyo aqoonyahano kasoo horjeeda dastuurkaa oo ku tilmaamay mid aan anfacayn bulshada Soomaalida, isla markaana aan waafaqsanayn Diinta iyo dhaqanka Bulshada. Waxa kaloo ay ku tilmaameen mid deegaamo gaar ah u danaynaya, balse aan ka turjumi karin danta guud ee bulshada iyo waxa ay wadaagaan. sidaaa awgeed aan la aqbalin.
Dalada ay ku bahoobeen Culimada Soomaaliyeed, ayaa iyana todobaadkii lasoo dhaafay baaq ay ku canbaaraynayaan qorshaha la doonayo in lagu ansixiyo dastuurkaa kasoo saaray magaalada Muqdisho, waxay ku tilmaameen mid aan anfacayn Ummada oo aan ka turjumayn diinta iyo dhaqanka Bulshada Islaamka ah. sidaa darteed aanay culimadu marna aqbalayn arrintaa.
Dhinaca kale Madaxweynaha Dawlada taagata daran ee Somalia oo hormood u ah qorshaha taageerada loogu doonayo Dastuurka, ayaa bishii September 2010, isagoo ka hadlayey qaabka loo wejihi karo samaynta dastuur cusub iyo ansixintiisaba waxa uu yidhi, “Dastuur si uu ku noqdo dastuur Qaran, waa in uu helaa afti dadweyne, waana taa midda laga doonayo xukuumadda inay waqtigeeda isugu geyso sidii lagu gaadhi lahaa, furuhuna waa in amniga la sugo.”
Sidoo kale Sh. Shrariif, wuxuu isagoo xalka Dastuurka ay yeelanay Somalia sharaxaya yidhi, “Haddii taa ay ka hor yimaadaan caqabado waa weyn oo laga garaabi karo, waxaa xusid mudan in waxa hadda ay Soomaali haysato oo afti dadweyne lagu ansixiyey uu yahay Dastuurkii 1960-kii, Haddaba, iyada oo baarlamaanka hadda jira ay adeegsanayaan awoodda uu siiyey Axdiga KMG, ayay Dastuurkii 60-kii ku dari karaan qodobada ka dhammin sida ku dhaqanka shareecada Islaamka iyo habka maamulka Federaalka ah go’aankuse waa mid baarlamaanka u yaal.” Ayuu hadalkiisa ku daray Sheekh Shariif.
Hase yeeshee dhowaan ayuu Madaxweyne Shariif oo ay isaga iyo xulufadiisu doonayaan in ka hor inta aan mudada August 2012, ee ay ku dhamaanay xiliga awoodoodu la gaadhin ka hor la ansixiyo Dastuurka cusub uu bedelay aragtidii iyo hindisihii uu ka bixiyay sanad iyo badh ka hor, iyadoo ay kooxdiisa dawladda ku meelgaadhka ah, Ururada Midowga Africa, Qarammada Midoobey iyo IGAD ay hada ku hanjabeen inay tallaabo adag ka qaadi doonaan cidkasta oo ka hor timaada Dasuurka cusub.
Laakiin hanjabaada Dawlada taagta daran iyo Urur Goboleedka IGAD, waxa suurta gal ah inaany waxba ka bedelin mawqifka ay qaateen Culimada Soomaaliyeed, qaybo ka mid ah Odayaasha dhaqanka iyo qaybaha kale ee bulshada ee sida cad uga horyimi ansixinta dastuurka Somalia, kuwaas oo u balansan inay maalinta beri ee Jimacaha dareenkooda si badheedh ah usoo bandhigaan, iyadoo aan la saadaalin karin sida ay arrimahu noqon doodaan iyo suurta galnimada meel marinta iyo dhaqan gelinta Dastuurkaa.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com