booliska1Hargeysa(Araweelo News Network) Ciidanka Booliska Somaliland ayaa albaabada u laabtay xaruntii Wargeyska Haatuf ee Magaalada Hargeysa. Kadib markii cutub ka tirsan ciidamada Boolisku la wareegeen

 

galabta xarunta Wargeyskaa oo ku taal meel aan ka fogayn dhismaha Madaxtooyadda Somaliland.
Lama garanayo sababta xadhiga wargeyskaa, balse wararka qaar ayaa sheegaya in maalmihii lasoo dhaafay uu Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Warancade u gudbiyay Maxkamadda gobolka dacwad ka dhan ah Wargeyska Haatuf. Kadib markii uu Wargeysku wax ka qoray safar uu Wasiirku ku tegi lahaa dalka Kenya.
Sidoo kale Wargeyska Haatuf wuxuu maalmahan wax ka qorayay Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland oo uu ku eedeeyay musuq-maasuq iyo wax is dabamarin uu la xidhiidhiyay heshiisyada wasaaradda Macdanta iyo Tamartu la gasho shirkaddaha shisheeye.
Taliyaha Ciidanka Booliska Cabdullaahi Fadal ayaa u sheegay BBC-da in ay sifo sharci ah usoo mareen xadhiga Wargeyska Haatuf, balse Gudoomiyaha Wargeyska Haatuf ayaa ku tilmaamay talaabada ciidanka Boolisku ku xidhgeen Xarunta Wargeyska mid baalmarsan sharciga oo ay jawaab ka bixinayaan.
Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaa hore ugu laabtay Wargeyska Hubaal oo ahaa wargeysyada ugu Afdheer Somalialnd, kaas oo weli xayiran.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *