ciida1

Hargeysa(Araweelo News Network)Ciida Ciida Farxad Ku Ciida, dhamaan dunida Islaamka inteeda badan ayaa maalinta Beri u ah maalinta Ciidal Fidra. Kadib markii lasoo

 

gebagebeeyay acmaashii Bisha Barakaysan ee Ramadaan, iyadoo ay bisha Shuwaal sidaa ku bilatay.

Dalalka Islaamka ayay Hogaamiyayaashoodu ku dhawaaqeen in ay tahay maalinta Beri maalin Ciid ah oo bisha Shuwaal noqonay kow, taas oo ku beegan 28 July 2014, waxa jirtay in dalalka Islaamka qaarkood bilawga bisha Ramadaan ku kala duwanayeen oo dunida Islaamka muslimiintu laba maalmood kala soontay curashadii Bisha Barakaysan, balse maalinta ciida Fidriga eek u beegan Isniinta  layskuma khilaafin.

Geyiga Soomaalidu degto oo dhan ayaa sidaa oo kale lagaga dhawaaqay in ay tahay maalinta Ciida Fidra. Sidaa awgeed waxaan leenahay akhristayaasha shebekaddahayaga farxad ku ciida Ciid Mubaarak ayaan leenahay dhamaantiin, waxaana Illaahay ka rajaynaynaa inuu dhamaanteen inaga aqbalo acmaashii bisha Barakaysan ee aynu soo wadnay oo inaga yeelo kuwo farxad ku ciida oo sanadka sanadkiisa ku gadha bashbash iyo barwaaqo, kuwii Illah u qadaray in ay gaadhaan munaasibada Ciida, kuwii dhintay bishan barakaysan ee dhamaatay oo geeriyo badan oo naxdin leh ay dhaceen oo dad badan oo dunida laga jeclaa ka tageen, dabcan inaguna waa ka daba tegeynaa, waxa keliya oo baaqi ahaanaya Allah. Sidaa awgeed waxaan allah uga baryaynaa inuu u naxariisto oo jana-fardawsa ka waraabiyo dadkaa geeriyooday qoyasaskii iyo eheladii iyo asxaabtii ay ka baxeena Samir iyo iimaan ka siiyo.
Aamiin Aamiin Aamiin.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *