WarancaddeHargeysa(Arraweelo News) Wasiirkii hore ee Duulista Hawadda iyo Gaadiidka Cirka Cali Maxamed Waran-cadde ayaa ka digay shirqoolo siyaasadeed oo ay dawladda Soomaaliya u qoolayso

 

Somaliland, iyadoo gacan ka helaysa dawladda Masar.

Cali Waran-cadde waxa uu sidaa ku sheegay war-saxaafadeed uu ka soo saaray magaaladda Hargeysa oo u dhignaa sidan:-

“Qorshan cusub ee Maamulka Somalia hor keenay Barlamaanka Somalia ee ku baaqaya in xeer lagu ansixiyo in la xasiliyo oo maamulka muqdisho la hoos keeno goboladda Somaliland , waxay bilow u tahay siyaasad cusub oo Madaxda Masar iyo maamulka Somalia ku heshiiyeen in la abuuro qorshe dib xoog loogu qabsanyo Somaliland si looga sameeyo dalka Somaliland fadhiisimo Milateri oo xoog leh oo laga ilaaliyo Biyaha wabiga Niilka ee ay ku muransan yihiin Ethiopia iyo Dowladda Masar.

Qorshan cusub oo faragalin qaawan ku ah Qaranimada Somaliland iyo gooni isu taageeda, ka dib markii wasiirka amniga Somalia horkeenay Mashruuc sharci oo dhigaya in la xasiliyo gacanta dowladana lagu soo celiyo wax uu ugu yeedhay 18 Gobol ee ay ka koobnaan jirtay Jamhuuriyadd Somalia ee burburtay 1991kii.

Qorshahan oo ay ku cadahay in maamulka Somalia diyaarinayo dagaalo cusub oo saameyn ku yeesha geeska Africa, isla markaana uu wasiirka amniga somalia uu ku cadeeyey qoraalkiisa uu shalay u gudbiyey Golaha Barlamanka Somalia ee uu ku dalbanayo in loo sharciyeeyo in la xasiliyo gacanta dowladana lagu soo celiyo 18kii Gobol ee Somalia oo somalilandna ku jirto. , waxaa hubaal ah in Qalabka Millate ee Masar ay ku soo daad gureyneyso Somalia uu yahay mid loogu tallo galay in lagu khal-khal galiyo Dalka Somaliland iyo Dalka Ethiopia ee aynu dariska nahay.

Sidaa awgeed waxaa cad in Cunaqabateyntii hubka ee Qaramada midoobay kaga qaaday Somalia ay tahay talaabo halis ku ah Nabad galyada Geeska Africa oo u dhuumatay Qaramada Midoobay, sidaa darteedna ay haboon tahay in dib loo joojiyo Hubka Masar ay ku soo daad gureyneyso Somalia oo ay ka taagan yihiin colaado sokeeye una gudbi kara Wadamadda dariska la ah sida Somaliland , Ethiopia iyo Kenya.

Waxaana la gudboon shacabka iyo dowladda Somalilandba in ay ka digtoonaadaan khatarka ka soo wajahan Maamulka Muqdisho ee taagta daran, isla markaana waxaan ugu baaqaynaa dhalinyaradda reer Somaliland in ay qorshaha ku darsadaan sidii ay u difaaci lahaayeen Dalkooda, una diyaar garoobaan sidii ay xeryaha tababarka Ciidanka Qaranka ugu qaadan lahaayeen tababar military. Dowladuna ay howlahaasi u fududeyso si ay uga qayb qaataan difaaca qarankooda haddii loo baahdo.” Ayuu yidhi Cali Warancadde.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *