Buuhoodle(ANN) wararka ka imanaya deegaanka Buuhoodle ayaa sheegaya inuu halkaa ka dhacay maanta Banaan bax balaadhan oo laga soo horjeedo Socdaal ay ku yimaadeen magaalada Buuhoodle  Madax-dhaqameed ka socda maamulka lala xidhiidhiyo   Budhac badeeda ee xaruntiisu

tahay Garwooe. Sidoo kale waxay wararku sheegayaan in deegaankaa  lagu dhacay Baabuur uu watay Suldaan Siciid Maxamed Garaase oo Hoggaaminayay madaxdhaqameedka ka yimi dhinaca Garoowe ee tegey Boohoodle.

Dad goob joog ayaa u sheegay shebekada wararka ee Araweelonews inay Dadweynaha Magaalada Buuhoodle ku dhawaaqayeen erayo ay weftigaa iyo booqashadoodaba kaga   soo hor jeedaan, isla markaana ay kaga dalbanayaan  inay ka baxaan magaalada.

Kooxda Madaxdhaqameedka ee  ka yimi dhinaca Garoowe  waxa  horkacayay Islaam  Siciid Maxamed Garaase oo ay weheliyaan  12 Caaqil oo kale oo dhamaantood  ka yimi deegaanka Garoowe, waxayna dadka goob jooga ahi sheegeen in aan gebi ahaanba lagu soo dhowayn deegaankaa Odayaashaa, isla markaana   ay koox dablay hubaysani ka dhaceen  Gaadhigii Suldaankaa hogaaminayay Odayaasha.

Dhinaca kale Idaacada BBC-da ee laanta Afka Soomaaliga ayaa sheegatay in deegaankaa koox hubaysani ku dhacday gaadhigii uu watay Islaam  Siciid Maxamed Garaase oo watay, balse islaam Garaase  oo Idaacada BBC-da la xidhiidhay  ayaa beeniyay  wararka sheegaya in koox hubaysani deegaanka Buuhoodle kaga dhaceen gaadhigii uu watay, isla markaana wuxuu ku  dooday in si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Buuhoodle.

“Waxaan ka xumahay in sidii layaabka lahayd ee naloogu soo dhaweeyay magaalada Buuhoodle, waxaana soo dhawayntayada ka qeyb galay dad tiro badan oo isugu jiray Isimo iyo dadweyne, waxaan idiin sheegayaa inaanu jirin wax baabuur ah oo la iga dhacay,”ayuu yidhi,  Islaam Siciid Maxamed Garaase oo galabta u waramayay laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da.

Islaam Garaase ayaa ujeedada  socdaalkooda ku tilmaamay mid ku wajaahan sidii ay wax ugu ogaan lahaayeen abaarta baahsan ee ka jirta deegaanadaa iyo sida ay u saamaysay dadka iyo xoolaha deegaankaa. Laakiin warar kale oo madax banaan ayaa u sheegay shebekada wararka ee Araweelonews inay u socdaan Islaam Garaase iyo Odayaasha kale arrimo siyasadeed iyo kuwo colaadeed oo ka taagan deegaanka oo u dhexeeya qaar ka mid ah dadka deegaanka iyo deegaanka ay ka yimaadeen ee Garoowe.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *