London(ANN)Dawlada Britain, ayaa si kulul uga jawaabtay warar uu wargeyska  The Observer ee  kasoo baxa magaalada London boggiisa hore ku qoray cinwaan uu kaga hadlayo shirkii dawladda Britain qabatay ee arrimaha Somalia oo uu wargeysku ku tilmaamay inay ujeedadiisu ahayd tartan loogu

jiro khayraadka Somalia.
Wargeyska ayaa ciwaan uga dhigay qoraalkiisa, sidan:-  “Britain waxa ay hogaamineysaa orod loogu jiro shidaal ka soo saaridda Soomaaliya”
Hase yeeshee Andrew Mitchell oo ah  Xoghayaha Horumarinta Caalamiga ee Britain, ayaa si kulul uga jawaabay arrintaa. Kadib Wareysi uu siiyay barnaamij Axada ka baxa Idaacadda telefishinka, wuxuuna  Andrew “Maya Maya Maya waxba kama jiraan, weriyihii waxaa qorayna , waxaan ku abaalmarin lahaa munaafadaii qarniga.”
Wasiirka Horumarinta iyo Gar-Gaarka Dibadda ee dalkan Britan, Andrew Mitchel. Waxa uu sheegay inaan  arrintaasi ahayn mid wax ka jiraan,  isla markaana aanay wax dan ganacsi ah ka lahayn Soomaaliya dawladda Britain, balse ay ka murugootay baahida iyo macaluusha ka taagan Somalia ee ay dhowaan mujtamaca aduunku usoo gurmadeen oo ay kumaan caruur ahi gaajo u dhimanayeen. Sidoo kale wuxuu sheegay inay Britain doonayso sidii kala danbayn iyo xasilooni loogu soo celin lahaa meelo baddan oo dunida ah oo Somalia ka mid tahay. Waana sababta Raysalwasaaraha Britain shirkaa u qabtay, waxaana filayaa inuu waqtigii ugu haboonaa qabtay, ayuu yidhi Andrew Mitchel.
Dhinaca shidaalka waxa uu sheegay in haddii ay dhacdo in Shidaalka Somalia lasoo saaro ay Britain doonayso in looga faa’ideeyo bulshada Soomaaliyeed, isla markaana la ilaaliyo in dhaqaallaha kasoo baxa Batroolku gaadho dadka, isagoo yidhi, “Haddii shidaal la helo oo lasoo saaro, waxaanu rabnaa inuu noqdo mid faa’ido u leh dadka Soomaaliyeed, dedaalka horumarinta Britaina wuxuu ku qaabaysan yahay in la xaqiijiyo lacagta meesha ay ku baxayso, si ay dadka soomaaliyeed uga faa’idaystaan.” Ayuu yidhi.   

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *