britain1 flagMombasa (Araweelo News Network)Dawlada Britain ayaa gebi ahaanba Albaabada u laabtay dhismaha Qunsuliyadii ay ku lahayd magaalada xeebta ah ee Mombasa oo ah maagaalada labaad ee

 

ugu weyn dalka Kenyna, isla markaana ah magaalo dadka reer galbeedka ah ay inta badan dalxiis ku tagaan.

Sidaana waxa lagu sheegay Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda Britain saacadihii lasoo dhaafay, kaas oo lagu sheegay in si ku meel gaadh ah loo xidhay Qunsuliyada Britain ay ku lahayd Mombasa, waxayna dawlada Britain sheegtay in qiimayn lagu sameeyay amaanka dalka Kenya, gaar ahaan magaalada dalxiiska ee Mombasa ay xidhay Qunsuliyadii ay ku lahayd magaaladaa, taas oo la doonayo in lagu badbaadiyo muwaadiniintooda.

Dawlada Britain ayaa hore uga daadguraysay muwaadiniinteeda ku sugan Mombasa, waxayna uga digtay in ay u safraan dhinaca magaalada xeebta ah ee Mombasa iyo goobo kale oo ka mid ah dalka Kenya.
Tallaabada Britain ku xidhay Qunsuliyadii ay ku lahayd Mombasa, ayaa kusoo beegantay dilal qorshaysan oo ka dhacay bilihii u danbeeyay Mombasa, kuwaas oo lala beegsaday Waddaado caan ka ahaa dalka Kenya iyo goobo mihiim ah.  Sidoo kale waxay arrintani kusoo beegantay xili xaalada amaanka ee dalka Kenya sii xumanaayso. Kadib markii qaraxyo iyo weeraro lagu eedeeyay kooxda Al-shabaab ka dhaceen magaalooyinka Mombasa iyo Nairobi ee dalka Kenya.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *