gabdhaha Naigeria ee Boko xaraam muslimiyeen1Abuja(Araweelo News Network)Boqlaal gadhood oo kooxda Booko Xaraam afduubeen bishii hore ayaa laga dhex aqoonsaday muuqaal Video ah oo ay Kooxda Booko xaraam ku faafisay

 

dhinaca Internetka. Qaar badan oo kamid ah Qaraabada iyo asxaabta gabdhaha la afduubay ee Nigeria ayaa ka dhex aqoonsaday gabdhahooda muuqaalkii ay sii daayeen ururka Boko Xaraam.
Tirada gabdhahaa oo gaadhaysa 234 hablood oo kooxda Boko Xaraam ka Afduubtay bil ka hor galbeedka dalka Naigeria ayaan la ogayn ilaa hada meesha ay ku hayaan.
Dawlada Naigeria iyo dunida kaleba waxa layaab ku noqday markii laga soo daayay shaashadaha boqolaal hablood oo ahaa kuwa kooxda Booko xaraam afduubeen ku dhowaad laba bilood ka hor oo ku lebisan dharka Xijaabka ee ay caanka ku yihiin haweenka Islaamka, isla markaana qaadaya nashiidooyin.

Dalalka Maraykanka, Britain iyo faransiiska ayaa sheegay dhowaan in ay dawlada Naigeria ka caawinayaan sidii loo soo furan lahaa gabdhahaa, balse waxay dawlada Naigeria ku guuldaraystay in ay ogaato goobta lagu hayo gabdhahaa.
Boko Xaraam Axadii todobaadkii hore ayay mar kale Afduubay 11 haween ah oo kale gobolka Born oo ka tirsan dalka Naigaria, waxayna dhacdooyinka iyo waararada kooxda Boko Xaraam si weyn u dhaawaceen sumcada dawlada Naigaria.
Dalalka Britain, Maraykanka iyo Faransiiska ciidamo u dirayaan dalkaa si looga caawiyo sidii gabdhahaa looga soo furan lahaa kooxda Boko Xaraam, balse waxa arrintaa loo bedelay in wadahadal lala galo kooxda Booko Xaraam, isla markaana saraakiil doonaya in ay ka caaiyaan wadahadalada lala gelayo kooxda Booko Xaraam ku sugan yihiin waqtigan Abuja, iyadoo ay arrintani meesha ka saartay go’aan ay dawlada Naigeria hore ugu sheegtay in aanay wadahadal la gelayn kooxda Booko xaraam, balse hada waxa go’aankaa wax weyn ka bedelay talaabooyinka Booko Xaraam oo ay suurta gal tahay in ay aqbalaan wadaxaajood si ay gabdhahaa ugu bedelaan maxaabiista ka xidhan. sida uu sheegay wasiirka warfaafinta Dalka Naigeria.
Warar hore uga soo baxay gabdhahaa ayaa sheegayay in gabdhahaa laga iibiyay dad u dhashay dalka Cameroon iyo dalal kale, balse waxa muuqaalka ay kooxda Booko xaraam faafisay meesha ka saaray sheekooyinkaa.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *