Burco(Arraweelo News)Guddoomiyaha cusub ee dhowaan Madaxweynaha Somaliland u magcaabay  Gobolka Togdheer Maxamed Muuse Diiriye, ayaa si rasmi ah xilka ugala wareegay

badhasaabkii hore ee shaqada iska casilay Mr. Axmed Cumar Xaaji Cabdillaahi (Xamarje).

Xaflad ballaadhan oo labada masuul xilka kula kala wareegeen ayaa Salaasadii todobaadkan lagu qabtay xarunta maamulka ee Gobolka Togdheer ee magaalada Burco, taas oo ay kasoo qaybgaleen wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Gudaha, masuuliyiinta Booliska, Maayarada Degmadda Burco, Berbera,  xildhibaanno, cuqaal iyo dadweyne badan.

Badhasaabkii hore ee Gobolka Togdheer Mr. Axmed Cumar Xaaji Cabdillaahi (Xamarje), ayaa si qoto dheer uga warbixiyay waxyaabaha u qabsoomay muddadii uu xilka hayey, gaar ahaan dhinacyada nabadgelyada, caafimaadka, waxbarashada iyo adeegyada aasaasiga ah.

“Ninba wax ayuu suntamaa. Anigu waxaan maanta tilmaan taarikhi ah kaga tagayaa Gobolka Togdheer oo ii sharaf iyo magac ah inaan ahay badhasaabaddii soo maray gobolka kii ugu horreeyey sameeya Buugga Qorshaha Horumarinta Togdheer ee saddexda sanno ee socda, kaasoo ku salaysan qorshayaasha horumarineed ee sannadaha 2014 ilaa 2016, buuggaasoo lagu ururiyey baahiyaha gobolka ka jira ee u baahan in wax laga qabto, arrintaasna waxaan uga mahad-celinayaa hay’adda Caritas iyo Wasaaradda Qorshaynta Somaliland,” ayuu yidhi Mr. Xamarje oo ka hadlay waxyaabaha lagu xasuusan doono ee uu qabtay muddadii uu ahaa Badhasaabka Gobolka Togdheer.

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Togdheer Md. Maxamed Muuse Diiriye, ayaa isaguna ballanqaaday inuu ka shaqayn doono horumarka iyo is-dhexgalka bulshada gobolka, isagoo xusay in aanay maamulka Burco isku cusbayn, warna isku seeganayn, waxaannu u mahadceliyey badhasaabka uu xilka kala wareegay oo uu sheegay inuu wax badan ka qabtay horumarka Gobolka Togdheer.

Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Gudaha Md. Cismaan Garaad Soofe, Maayirrada Burco iyo Berbera, Mr. Jaamac Cabdillaahi Biin oo ka mid ah badhasaabadii soo maray Gobolka Togdheer, masuuliyiin iyo madax-dhaqameed kala duwan oo iyaguna xafladdaas ka hadlay, ayaa guddoomiyihii hore ee uga mahad-celiyey waxqabadka uu muujiyey muddadii uu xilka hayey, iyagoo sidoo kalena badhasaabka cusub kula dardaarmay inuu ka shaqeeyo horumarinta iyo isku duubnida bulshadda ku dhaqan Gobolka Togdheer.

Badhasaabkii hore ee Gobolka Togdheer Mr. Axmed Cumar Xaaji Cabdillaahi (Xamarje) waxa uu xilka hayey muddo 11bilood ah, ayaa la gudoonsiiyay shahaado sharaf lagu maamusay mudadii uu xilka badhasaabka gobolka Togdheer hayay, wuxuuna badhasaabka cusub ee uu xilka ku wareejiyay noqonayaa badhasaabkii Afraad ee gobolka Togdheer soo mara muddadii uu talada dalka hayey Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo oo sadex sanadood iyo saayid ah.
info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *