Baydhabo(ANN)Al Shabaab ayaa xalay weerar ku qaaday Bar Kontarool oo Ciidamada dolwadda ay ku leeyihiin Magaalada Baydhabo Gaar ahaan deegaanka loo yaqaanno Goof Gaduud ee Gobolka Bay, iyadoo ay ciidamo Ethiopian ah
ku sugan yihiin gobolka Bay.
wararka qaar ayaa sheegaya in weerarka lagu qaaday goobta Kontaroolka ee Ciidamadda dowladda ay ku leeyihiin Deegaanka Goof Gaduud ee Gobolka Bay ay inta la ogyahay ku geeriyoodeen illaa 3 qof tiro intaa ka badanna ay ku dhaawacmeen, iyadoo dhinacyada halkaa ku dagaalamana ay Guulo kala sheegteen.
Sidoo kale Kooxo hubeysan ayaa xalay weerar ku qaaday Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay, iyadoo oo ay ku sugnaayeen halkaa Ciidamo Ethiopian ah iyo dowladda Soomaaliya.
wararka qaar ayaa sheegaya in Khasaare dhimasho ka dhashay.
Weeraradaa ayaa kusoo beegmay xilli Magaalada Baydhabo ay ku suganyihiin Masuuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo halkaa la tashiyo la doonayo sidii Maamul loogu sameyn lahaa Gobolkaa leh Waxgaradka iyo qaybaha Bulshada ee deegaankaa.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com