gaadii lagu gubay Kenya

Nairobi(Araweelo News Network)Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Kenya ayaa sheegtay in dad gaadhya 29 qof lagu dilay laba weerar oo lagu qaaday degaano xeebta Kenya ee

 

Soomaaliya u dhow oo ay weeraro sidan oo kale ah hore uga dhaceen bishii hore.

Deegaamada Gamba oo ka tirsan Tana River, ayaa lagu dilay dad gaadhaya 20 qof, halka sagaal kale lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xarun ganacsi ee deegaanka Hindi ee u dhow xadka ay Kenya la wadaagto Soomaaliya.

Dadka ayaa la weeraray xili ay daawanayeen Ciyaaraha  koobka adduunka xili habeenimo ah oo ku beegan xalay. Sidoo kale Weerarka labaad ayaa ka dhacay meel u dhow  deegaanka Mpeketoni oo bishii hore weerar ay sheegatay Al-shabaab lagu qaaday. Kadibna lagu dilay dad gaadhaya lixdan qof.

Dawlada Kenya waxay sheegtay in weerarada iyo kuwii hore eek a dhacay deegaanka ay fuliyeen koox doonaysa in ay goosato deegaanka Xeebta ee Mombasa, balse Alshabaab ayaa sheegtay inay weerarada danbe iyo kuwii ka horeeyay ee ka dhacay bishii hore deegaamada xeebta Kenya ay ka danbeeyen.

Sheekh Cali Maxamuud Raage Sheekh Cali Dheere oo ah Afhayeenka Al Shabaab ayaa sheegay in ciidankoodu dad badan ku laayeen gudaha wadanka Kenya kadib markii ay xalay weeraro qorshaysan ku qaadeen tuulooyin iyo deegaanno, wuxuuna  xusay in xalay ay  weerareen magaalada Hindi oo katirsan gobolka Xeebta Lamu iyo Afar tuulo oo hoos yimaada gobolka Antanariifa.

Al Shabaab waxay sheegtay in weeraradan ay ku dileen in kabadan 30 qof oo ay ku tilmaameen in ay ahaayeen kuwo Nasaara ah, isla markaana  ay ka mid yihiin askar iyo saraakiil booliska Kenya katirsan sidoo kalane ay kusoo furteen maxaabiis muslimiinta Kenya ka tirsan oo si gardarra ah xabsiyada dowladda Kenya ugu xidhnaa.

Dhinaca kale Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in tobanaan nin oo hubaysan ay xabado ku fureen xalay, “Waxay ku wareegeen tuulada oo ay xabado ku fureen iyagoo oo aan qofna kala soocin” ayuu u sheegay Reuters Cabdallah Shahasi oo ah madaxa deegaanka.

Gudoomiyaha gobolka Miiri Njenga ayaa u sheegay wakaalada in xafiisyo dowladda iyo guryo la gubay.

Dadka dhintay ayaa ah rag oo aanay ku jirin wax haween ah, marka laga reebo Wiiil yar oo  isku dayay inuu cararo, sida ay sheegtay AFP.

Madaxweyne ku xigeenka Kenya oo markii hore la filaayay inuu booqdo deegaanka Mpekoteni, oo bishii May weerar lagu qaaday ay ku dhinteen in kabadan 60 qof ayaa gaadhay deegaanadii xalay ay weerareen kooxda hubeysnaa.

William Ruto, oo warbaahinta kula hadlay deegaanada uu tagay ayaa sheegay in laamaha amniga inay 48 saac guydahood ay ku soo qabtaan dableyda weerarka masuulka ka ahayd.

Sidoo kale mar uu la hadlay dad isugu soo baxay deegaanka Hindi oo xalay lagu dilay 9 qof, waxa uu sheegay in booliska ay tahay inay qaadaan howlgal ay kaymaha kaga soo saarayaan kooxda hubeysan ayna soo qabtaan iyagoo nool ama dhintay.

Madaxweyne Kuxigeenka Kenya oo ay wehliyaan gudoomiyayaasha deegaanada la weeraray, ayaa sheegay inay qadayaan tallaabo ay ku xaqiijinayaan soo qabashada kooxaha weeraray deegaanada Mpeketoni, Poromoko, Witu iyo Hindi.

Dhinaca kale Taageerayaasha Odinga oo ah ninkii lagaga adkaaday doorashadii dhowaan dalkaa ka dhacday ayaa ku baaqay isu soo baxyo lagaga cabanayo xaalada amniga iyo jaah wareerka siyaasadeed ee soo waajahay dalka Kenya, waxayna dhacdooyinkan iyo weeraradan kusoo beegmayaan iyadoo xaalada kenya faraha kasii baxay, isla markaana amaanka dalku jar kasii laalaado, iyadoo ay Dalalka Britain iyo Maraykanku hore ugala baxeen muwaadiniintooda, isla markaana uga digeen in ay u safraan dalka Kenya.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *