Mogadishu(Araweelo News Network)Al-shabaab ayaa sheegatay weerar khasaare dhaliyay oo ka dhacay maanta Xabsiga Godka Jiicoow oo

 

ka mid ah xabsiyada ugu khatarsan Somalia, isla markaana ku yaala Degamada Boondheere ee magaalada Muqdisho.

Weerarka lagu qaaday xabsigaa oo aan ka fogayn Xarunta Villa Somalia ee magaalada Muqdisho, ayaa lala beegsaday laba gaadhi oo ay wateen naftood hurayaal ka tirsan Xarakada Al-shabaab, kuwaas oo qaraxyada ka dib isku deyey in ay qabsadaan xabsigaa oo si weyn loo ilaaliyo, isla markaana ay ku jiraan maxaabiis qaarkood ku eedaysan yihiin Al-shabaab.

Hase yeeshee sida ay saraakiisha amaanka Somalia sheegeen weerarka ka dib, waxay ka war heleen weerarka kusoo maqan, taas oo ay sheegeen in ay ku guuldaraysteen kooxda weerarka fulisay in ay gudaha u galaan xabsiga gaadiidka qaraxa samaynayay, isla markaana todoba qof oo ay ku tilmaameen in ay ahaayeen kuwii weerarka soo qaaday lagu dilay goobta.

Sidoo kale ay weerarka ku dhinteen laba Askari iyo qof shicib ah oo ahaa Eng. dhisme ka waday xabsigaa oo sidoo kale xarun u ah Sirdoonka Nabadsugida Somalia, iyadoo ay jiraan dhaawacyo soo gaadhay qaar ka mid ah Askarta iyo dad shacab ah oo goobta ka dhowaa.

Dhinaca Kale Al-shabaab oo sheegatay qaraxa iyo weerarka lagu qaaday Xabsiga Godka Jiicoow, ayaa sheegtay in khasaare loogu geystay askarta xabsiga Ilaalisa, isla markaana ay kooxda weerarka fulisay gudaha u galeen xabsiga oo ay ku dagaalameen, balse ay ciidanka AMISOM soo gaadheen oo ay gurmad usoo sameeyeen askarta xabsigaa oo ay sheegeen inuu yahay meel lagu dhibo dadka Islaamka ah, isla markaana loogu adeego danaha dadka gaalada ah.

Af-hayeen u hadlay Al-shabaab Sheekh Cali Jebal ayaa sheegay in khasaaraha weerarka ay ugu geysteen ciidanka ilaaliya xabsiga oo ay ku dileen in ka badan 15, isla markaana dhaawac badan ay gaadhsiiyeen, wuxuuna tusaale usoo qaatay gurnadka Ciidanka AMISOM ay ku yimaadeen goobtaa iyo dagaalka oo uu sheegay inuu socday waqti saacado ah.

Hawlaglka weerarka Al-shabaab ayaa kusoo beegmay saacdo ka dib markii lagala wareegay magaalada Buula-madheedh oo ah mid istiraatiijiga ah oo ku caan-baxday hawlgalkii cidamada Kamaandowsta faransiiska ee January 2013 , ku qaadeen Buula-madheedh, iyagoo doonayay in ay kusoo furtaan Sarkaal mihiim ahaa oo Al-shabaab afduub ahaan ugu haystay halkaa, balse dagaal saacado socday uu sababay in ay faransiisku guuldaro taariikhi ah kala huleelaan hawlgalkaa. Kadib markii sarkaalkii Afduubka loo haystay iyo kooxdii doonaysay in ay soo furtaan noloshooda ku waayeen, taas oo sababtay in Kamaandowsta Faransiiska lagu khasbo in ay maydadka askartooda kaga tagaan goobtaa.

Araweelo News Network
Somaliland Office
info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *