Kismaayo(Araweelo News Network)Al-shabaab ayaa la wareegtay Jaziirad dhinaca Badda ku taal oo kulaalay magaalada mihiimka ah ee Kismaayo ee dhacda Koonfurta Somalia. Kadib markii
ay halkaa iskaga baxeen Malayshiyo taageerta Maamulka Xasan Madoobe oo ka taliya Kismaayo.
Jaziiraddaoo lagu magcaabo Jawaa oo ah mid istiraatiiji ah, ayaa qiyaastii dhinaca Badda 80 KM u jirta Kismaayo, waana Jaziiraddii 2-aad ee ay la wareegaan Al-shabaab, iyagoo hore ula wareegay Jaziiradda Kudhaa oo ku taal deegaankaa, taas oo u fududaynay in ay Al-shabaab weeraro kaga qaadaan meelo badan.