Kismaanyo(ANN)Ciidamada Dawlada taagata daran ee Somalia oo kaashanaya maleeshiyada Raas-kaambooni, isla markaana ay taageerayaan kuwa dawladda Kenya ayaa la wareegay Afmadow oo ah fadhiisin mihiim ah oo ay mudo dheer ku sugnaayeen
xoogaga Al-shabaab.
Kadib markii Ciidamada Kenya iyo kuwa Dawlada Somalia ee isbahaysanayaa in ka baddan sanad ka badan ku hareeraysnaayeen degmada Af-madaw oo qiyaastii 100 Km kaga beegan dhinaca Koonfureed Magaalada Dekeda ah ee Kismaanyo.
Afhayeen ku hadlay DKMG ah ayaa warbaahinta u sheegay in ciidanka huwanta ahi ay ku soo jeedaan degmooyinka Jilib iyo Bu’aale iyo waliba magaalada Kismaayo ee Jubbada Hoose oo weli gacanta ugu jirta Al-shabaab.
Warar kale ayaa sheegaya inay Al-shabaab isugu urureen dhinaca magaalada Dekedda ah ee Kismaanyo, iyagoo iskood uga baxay Bu’aale kadib markii maanta laga qabsaday Af-madaw oo kulaalaysay xadka Kenya, taas oo ahayd magaalo ahmiyad weyn u lahayd gacan ku haynta deegaamo baddan oo dhinaca jubooyinka ah.
Dhinaca kale arrinatan ayaa kusoo beegantay iyadoo maalmihii lasoo dhaafay laga qabsady Al-shabaab magaalada af-gooye ee duleedka Muqdisho oo ka mid ahayd meelaha ugu mihiimsan ee ay gacanta ku hayaan, waxayna arrimahaasi muujiyeen in la wiiqay cududii milateri ee Al-shabaab, balse maaha inay talaabooyinkaasi meesha ka saarayaan dagaalka ay al-shabaab kula jirto ciidamada Kenya, Somalia, AMISOM iyo kuwa Ethiopia eek u sugan Somalia.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com