kulanka OdayaashaMogadishu(Araweelo News Network)Al-shabaab ayaa kulan dhoolatus ah ku qabatay maanta gudaha magaalada Mogadishu ee xarunta u ah dawlada Federaalka ee

 

ay taageeraan ciidamada Shisheeye ee AMISOM oo dagaal kula jira kooxda Al-shabaab.
Kulankaa oo ay Al-shabaab la yeesheen Odayaasha iyo wax garadka qaar ka mid ah dadka ku dhaqan Degmada Huriwaa ee Suuqa Xoolaha, wax aka qaybgalay masuulka Al-shabaab u qaabilsan magaalada Muqdisho Sheekh Cali Maxamuud Xuseen (Jabal) iyo qaar ka mid ah saraakiisha Al-shaabab ayaa kulankaa ka hadlay, iyadoo ay dhinaca Odayaasha deegaanka ka qayb galeen ku dhowaad todobaatan Oday sida lagu faafiyay Idaacada Al-furqaan ee quraanka Kariimka ah oo ku taal Muqdisho.
Kulaka ayaa lagu tilmaamay mid ay Odayaasha Suuqa Xoolaha ee Degamada Huriwaa ku bandhigeen tabashooyin ay sheegeen in ay dadka deegaanku qabaan, isla markaana waxay saraakiisha Al-shabaab ee kulankaa ka hadlay sheegeen in ay wax ka qabanayaan, dhibaatooyinka ay ka hadleen Odayaasha xaafadu.
Kulankaa ayaa la yaab ku noqday Bulshada magaalada Muqdisho. Kadib markii qaar ka mid ah Odayaasha ka qaybgalay ay waraysi ku saabsan waxyaabaha lagaga hadlay kulanka iyo ujeedadiisa siiyeen Idaacada Al-furqaan.
Al-shabaab kulamo sidan oo kale ah si badheedh ah uguma qaban Magaalada Muqdisho tan iyo markii ay ka baxeen magaalada Muqdisho dhawr sanadood ka hor, balse maalintii doraad waxa mar keliya lagu war helay mid ka mid ah hogaamiyayaasha Al-shaabab oo munaasibad shahaadooyin lagu gudoonsiinayay Arday tartanka quraanka ka qaybgashay loo qabtay gudaha magaalada Muqdisho, taas oo la yaab ku noqotay dadkii munaasibada ka qayb galay.

Bilihii u danbeeyay waxa sii kordhayay weerarada ay habeen iyo maalin ku qaadayaan xarumaha dawlada iyo Xeryaha ciidamada AMISOM, iyadoo sanadkan laba weerar oo mudooyin yar u dhaxeeyeen ku qaaday xarunta Baarlamaanka iyo xarunta dawlada ee Villa Somalia.
Dhacdooyinka kulamada ay A-shabaab kun qabnay guadaha Magaalada Muqdisho iyo weeraradii ugu danbeeyay, ayaa muujinaya in ay sii yaraanay awooda maamul ee xukuumadda Xasan Sheekh oo ay taageeraan in ka badan 20,000 (labaatan kun) oo ciidamada shisheeye ee AMISOM, kuwaas oo ku sugan Magaalada Muqdisho oo weli ay sii socdaan weerarada iyo qaraxyada ay Al-shabaab ka wadaan halkaa.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *