Mogadishu(Araweelo News Network)Xarakada Al-Shabaab ee dagaalka kula jira ciidamada huwanta ee AMISOM ayaa si adag u beeniyay in Jabhada ONLF ee dagaalka kula jirta Ethiopia ay
ka barbar dagaaleen todobaadyadii u danbeeyay dagaal gacanta laysula tegey oo ka dhacay deegaanka Bakool, kaas oo dhexmaray Al-shabaab iyo Cidamada Ethiopia ee ku suagn Somalia.
Afhayeen u hadlay Al-shabaab oo magaciisa ku sheegay Sheekh C/Caziiz Abuu Muscab ayaa waxba kama jiraan ku sifeeyay sheegashada ciidamada Ethiopia iyo saraakiisha ciidanka Somalia ku shegeen in dagaalkii Deegaanka Caato ka dhacay ay ONLF ka barbar dagaalantay Al-shabaab.
Taliska ciidanka Al Shabaab wuxuu sheegay in iyaga iyo ONLF aanay wax xidhiidh ah lahayn, isla markaana ONLF ay mamnuuc ka tahay dhulka ay xukumaan wilaayaadka islaamiga ah ee Al-shabaab.
Abuu Muscab wuxuu isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “Warkaasi waa been cadawga ayaa faafiyay Annaga iyo ONLF Meel islama galno waana Kooxo diin laawayaal ah oo mamnuuc ka ah dhulka Mujaahidiintu maamulaan”ayuu yidhi Sheekh Abuu Muscab.sida lagu baahiyay warbaahinta taageerta Al-shabaab.