ciidamo Ethiopian ahBakool(Araweelo News Network)Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegatay in ay guulo ka gaadheen dagaal maanta ku dhexmaray Ciidamada AMISOM ee Ethiopia deegaamo ka tirsan Bakool. Sidaana waxa

 

sheegay Sheekh C/Caziiz Abuu Muscab oo ku magcaaban Afhayeenka Al-shabaab, wuxuuna ku tilmaamay dagaalka mid ciidamada Ethiopia lagu jebiyay.

Mar uu ka hadlayay khasaaraha dhinacooda wuxuu sheegay in 2 ka mid ah ciidankooda la dilay, balse dhinaca dalka Ethiopia ay ka dileen 5 askari oo meydadkooda ay iyagu hayaan “Ciidamada Xabashida Itoobiya dagaal ay mujaahidintu kula galeen duleedka Waajid khasaara xooggan ayaa lagu gaadhsiiyay inta aan aragnay waa 5 meyd iyo hubkii ay wateen dhanka mujaahidiinta waxaa ka shahiiday 2 mujaahid allaha ka aqbalo shahaadadooda”ayuu yidhi Abuu Muscab.

Dadka deegaanka aya  sheegay in maleeshiyada al-Shabaab  hubka darandoorriga u dhaca iyo baasuukayala ku weerareen kolonyada ciidamada Itoobiya iyo kuwa Soomaaliya oo la sheegay inay kusii jeedeen magaalada Waajid.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Gobolka Bakool Maxamed Cabdi Tool ayaa VOA u sheegay inuu jiro kahasaare soo gaadhay labada dhinac, balse ururka Al-Shabaab ay ka dileen maleeshiyo ka badan 20, dhinaca kalena waxa uu sheegay inay soo gudbin doonaan tiro-koob rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha soo gaadhay dhinaca ciidanka Ethiopia iyo kuwa Somalia ee la kulmay dagaalka.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *