abeeso1Marka(Araweelo News Network)Xarakada Al-shabaab ee dagaalka kula jira Ciidamada AMISOM iyo kuwa dawlada taagta daran ee Somalia ayaa dagaalka u adeegsaday Abeesooyin kadib markii weerar

 

xalay saqdii dhexe ay raxan Abeesooyin ah ku qaadeen xero ciidan oo ku taal duleedka magaalada Marka sababtay dhimada iyo dhaawaca dhawr askari.

Sida ay sheegayaan warar laga helay dadka deegaanka abeesooyinka ayaa xalay weeararay xero ciidan oo ku taal gobolka shabeelaha Hoose ee duleedka Marka, waxaana weerarkaasu sababay in toban katirsan ciidamada AMISOM  ee u dhashay dalka Uganda oo hurday Teenddheeyinka dhimasho iyo dhaawac kasoo gaadhay weerarka.

Lama oga tirada dhabta ah ee Abeesooyinku wax yeeleen, balse waxa wararka la xidhiidha arrintaasi soo baxeen saaka markii wadada Laamiga ah lagu arkay ilaa shank a mid ah Abeesooyinka oo ay Ciidamadu toogteen lasoo dhigay wadada Laamiga ah, waxaana markaa ka dib soo baxay  wararka sheegaya in Afar Askari ay ku dhinteen qaniinyadii Abeesooyinka, halka shan kale dhaawacyo halis ah soo gaadheen.

Weerarka Abeesooyinka ayaa la rumaysanyahay in uu yahay mid Al-shabaab adeegsatay, iyadoo sidan oo kale sanadkii hore ciidanka Uganda ee duleedka Jowhar ay soo weerareen raxan Masas ah, kuwaas sababay dhimashada Laba Askari iyo ugu yaraan tiro dhawr ah oo dhaawacyo soo gaadheen, waxayna weerarkan Abeesooyinka u fasirteen ciidamada Uganda in Al-shabaab u adeegsatay dagaalka Abeesooyinkaa.
Si kastaba ha ahaatee Ciidamada AMISOM ayaan weli si cad uga hadlin weerarka Abeesooyinka, balse waxay arrintaasi cabsi iyo werwer gelisay ciidamada ku sugan deegaankaa oo ay ku badan yihiin Abeesooyinka, Masaska iyo Bahalaha hoose.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *