werarkayemen

San’a(Araweelo News Network)Al-Qaidada Yemen ee Ansaaru Shareeca, ayaa qaaday weeraro lagu hoobtay oo ka dhacay Dalka Yemen xili xiisado siyaasadeed iyo

qalalaase ka taaganyahay dalka.

Fagaaraha Xoriyadda ee ku yaal badhtamaha Caasimada Sanca oo ay ku sugnaayeen kumanaan ka mid xuutiyiinta dhowaan la wareegay inta badan gacan ku haynta magaaladaa, ayaa lala beegsaday Qarax. Kadib markii qof isku soo xidhay waxyaabaha qarxa uu dhexgalay kumanaan Xuutiyiin ah oo ku sugnaa fagaraahaa, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah.

Wararka laga soo xigtay Wakaaladaha wararka ayaa sheegay in dad ka badan 50 qof ku dhinteen goobtaa, iyadoo ku dhowaad 200 ku dhaawacmeen.

Al-Qaida Yemen ee gasiirada carabta, ayaa weerarkaa sheegtay, waxayna ku tilmaameen mid ay ugu aargudayaan xasuuq ay sheegeen in ay ku hayaan Xuutiyiinta Shiicada Yemen dadka shacabka ee Suniga markii dhawr Todobaad ka hor qabsadeen magaalada Sanca ee xarunta dalka Yemen inteeda badan.

Sidoo kale weerar is qarxin ah, ayaa lagu qaaday shalay saldhig kuwa Ciidamada ah oo ku yaal Mukula oo dhinaca Koonfur Bari kaga beegan Sanca, waxaana jira warar sheegaya in tiro ka badan 20 Askari ku dhinteen weerarkaa, isla markaana in ka badan 40 ku dhaawcmeen, balse wararka kale oo laga helay xerada qaraxu ku dhacay ayaa sheegaya inuu khasaare intaa ka baddan ka  dhashay weerarkaa.

Xuutiyiinta Dalka Yemen ee qabsaday Caasimada Sanca, ayaa diiday in ay ka baxaan magaalada ilaa iyo laga dhisayo dawlad ay hormood u yihiin, kadib wadahadal qaramada midoobay hogaaminaysay oo lagu dhexdhexaadiyay Dawlada uu hogaamiyo Cabdi-raboo Mansoor Al-haddi, wuxuuna Raysal wasaare u magcaabay Axmed Cawed Binu Mubaarak, balse xalay ayuu is casilay raysal wasaare cusub oo dhinaca Koonfurta ee Cadan kasoo jeeda, kaas oo ku gacansaydhay magcaabista madaxweynuhu u mgcaabay xilkaa.

Araweelo News Network
Somaliland Office
info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *