muuse qardhabHargeysa(Araweelo News Network) Afhayeenkii Xisbiga UCID, Garyaqaan Muuse Ismaaciil Qardhab oo dhowaan iska casilay xilkaa ayaa si kulul u canbaareeyay tallaabada golaha wakiilada Somaliland ku meel mariyeen

 

wax ka bedelka xeer hoosaadka golaha, kaas oo uu sheegay inuu yahay mid ka hor imanaya Dastuurka Dalka, isla markaana u adeegaya danta Gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro iyo Xisbiga WADDANI.

Garyaqaan Muuse Ismaaciil Qardhab oo ka hadlaya, waxa uu yidhi,  “waxa nasiibdaro ah in golaha wakiiladda Somaliland ay qaadaan tallaabo gef iyo meelkadhac ku ah Dastuurka Dalka Qodobkiisa 44aad, Faqradiisa 3aad oo tilmaamay in shirgudoonka wakiiladu ay isku lamaan yihiin oo ka kooban yihiin Gudoomiye iyo Laba Gudoomye xigeen. Laakiin waxa ka dhacy doraad golaha Wakiiladda waa arrin inqilaab ah oo sameeyay Gudoomiyaha Golaha oo meesha ka saaray  tilmaamaha qodobka 44aad ee Dastuurka, waana nasiibdaro’ ayuu yidhi.

Afhayeenkii hore ee Xisbiga UCID, Muuse Qardhab waxa uu sidaa ku sheegay mar uu saaka kula kulmay duleedka Maxkamadda Hargeysa weriye ka socday shebekadda Araweelo News Network, wuxuuna ku dooday in golaha wakiiladda oo ay shacbiga Somaliland doorteen si weyn loogu khasaaray oo ay ka shaqeeyaan dantooda iyo Hungurigooda, balse aanay wadin dan ummadeed, marka laga reebo xubno fara ku tiris ah oo aan gaadhayn toban xildhibaan, isagoo yidhi, “Golaha Wakiiladda Ummada ayaa doortay, laakiin nasiibdaro waxay ka shaqeeyaan danohooda ee kama shaqeeyaan danta ummada iyo wixii loo doortay, waxa jirta Maahmaah Soomaaliyeed oo tidhaahda, “Ragganimo waxay ku jirtaa dantiimoognimo” marka danta caamka ah laga shaqeeyo ayaa laga shaqeeyaa dantaada. Laakiin  golaha wakiiladdu waxay ka shaqeeyaan dantooda ee kama shaqeeyaan danta dalka, waxa jira xeerar sanado badan yaalay golaha haddii dan qaran ay wadaan kuwaas oodalku baahi weyn u qabo  ayay ka shaqayn lahaayeen, wuxuuna Golaha wakiiladdu hadda noqday gole WADDANI, hab dhaqanka sidan ah iyo sida khaldan ee Gudoomiyaha WADDANI uga faa’idaysanyo sharciga awooda kursiga uu ku fadhiyo waa mid dalka u horseedikara mushkilad weyn.” Ayuu yidhi.

Garyqaan Muuse oo ka jawaabayay xeerka goluhu ansixiyeen oo ahaa Xeer hoosaadkooda, isla markaana aqlabiyad lagu ansixiyay waxa uu u dhaleecaynayo, waxa uu ku dooday in dalka nidaamkiisa uu ugu sareeyo Dastuurka, xeer walba oo dastuurka ka hor imanayaana waa waxba kama jiraan, sidaa awgeed xeer hoosaadka Gudoomiyaha WADDANI, waa Inqilaab gef iyo badheedh cad ku ah Dastuurka iyo nidaamka Somaliland qaadatay, haday sidan ku socotana gole baarlamaan maaha ee waa Gole WADDANI. Ayuu yidhi.
info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *