Mogadishu (Araweelo News Network)Dawladda Turkiga, ayaa si degdeg ah u go’aansatay inay xarunta Somalia ee magaalada Muqdisho kala baxdo shaqaalaheeda
ka hawlgala safaaradda ay ku leeyihiin halkaa, kadib markii laga dayriyey xaaladda ammaanka sii xumaanaya ee ay sii xoogaysteen dilalka iyo weerarrada Al-shabaab ka fuliyaan Somalia.
Warkan ayaa soo baxay markii safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mr. Kani Turan, si kedis ah isugu yeedhay shaqaalahooda ka hawlgala magaalada Muqdisho, isagoo amar ku siiyay inay si degdeg ah uga baxaan dalka Soomaaliya, kuna wargeliyey in aan xilligan la isku halayn karin ammaanka caasimadda Somalia ee Muqdisho.
shaqaalaha safaaradda Turkiga, ayaa isla maanta qaarkood ka baxeen Muqdisho, iyagoo usii jeeda dalkooda, waxayna arrintani si weyn uga waalacisay dawlada Federaalka ee Xasan Sheekh oo dawlada Turkigu si weyn u garab taagnayd, isla markaana taageero dhaqaale iyo mashaariic waaweyn ay dawlada Turkigu ka waday Magaalada Mugdishu, kuwaas oo gebi ahaanba la filayo in ay istaagaan haddii ay dawlada Turkigu kusii socoto talaabadaa.