London(ANN)Daraasad ay sameeyeen Cilmi-baadhayaal ka tirsan Waaxda Degaanka iyo Caafimaadka Yurub (European Center for Environent and Human Health), ayaa daboolka ka qaaday in dadka ku nool dhulka  xeebaha ay ka caafimaad badan yihiin kuwa iyagu ku dhaqan

 

degaannnada caadiga ah ee ka baxsan xeebaha.

Khubaradan oo cod urrurin ka qaaday dad badan oo ku nool xeebaha iyo kuwo degaannada bariga ku nool ayaa kadib markay falanqayn badan ku sameeyeen waxay soo saareen in ay dadkaasi cafimaad ahaan kala wanaagsan yihiin, iyagoo sidoo kale shaaciyey in dadka xeebaha ku nool badana yihiin dadka dhaqaale ahaan fiican.

Dr. Ben Wheeler oo cilmi-baadhistan hoggaaminaayey, ayaa isagu yidhi isaga oo arrinta ka hadlaya; “Waannu ognahay in dadku badana waqti fiican ku qataan meelaha xeebaha ah, laakiin inta badan lama socdo in dadku caafimaad ka helaan meelahaas.

Macluumaad aannu ka helnay dadka xeebaha degen iyo kuwa iyagu ku dhaqan deegannada caadiga ah ayaa ayey nooga soo baxday in dadka xeeb joogta ah ka caafimaad wanaagsan yihiin bulshada inteeda kale.” ayuu yidhi.

Cilmi-baadhis hore oo ay samaysay xarunta lagu magcaabo  Devon ayaa lagu sheegay in degaanka xeebaha ah dadka farxadgeliyaan, hoosna uga dhigaan murugada, halka daraasadan cusubna tilmaantay in dadka xeeb joogta ah caafimaadkoodu u wanaagsanaaday, iyadoo aan wax cadho iyo isku buuq ah arag intay halkaas ku nool yihiin.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *