Hargeysa(ANN)Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee Somaliland Dr. Xuseen Muxumed Maxmed ( Xuseen Xoog ),  oo ay weheliyaan  agaasimaha guud ee cisbitaalka guud ee Hargaysa, gudida cisbitaalkaa iyo ehelada dadka kalyaha loogu sifeeyo cisbitaalka guud ee Hargaysa, ayaa si wadajir ah ugu dhawaaqay  todobaadkan in loo baahanyahay in dhaqaale lagu taageero mishiinka  kalyaha loogu sifeeyo dadka ay kalyahuu fadhiistaan.
Kulankaa ayaa

 

laga soo jeediyay baaq ay kaga codsadeen ganacsatada,hantiilayaasha iyo qofkasta oo dhaqaale uu ku taageero haysta inay in loo gurmado sidii uu Mishiinka Kelyaha ee loogu adeegayo dadka kalyahu fadhiistaan dhaqaale loogu heli lahaa, si aanu u istaagin adeega mishiinka oo u baahan kharash.

 


wasiirka Wasaraadda caafimaadka Dr. Xuseen Muxumed Maxmed ( Xuseen Xoog ), oo kulankaa ka hadlaya ayaa yidhi,   “ Maanta kulankan aynu isugu nimi waxa weeye inaan dadkeena dareen siino sida uu muhiimka u yahay mishiinka kalyahu maadaama oo ay bulshadeenaa ku jiraan dad badan oo ay kalyahoodu fadhiisteen, una baahan in si joogta ah loo sifeeyo, iyagana runtii ay ku adagtahay inay dhaqaale ahaan sii wadi karaan, maadaama uu u baahanyahay kharash lagu wado, waa inaan dareen siino bulshadeena inay ka qaybqaatan oo waajibka halkaaas kaga aadaan ay gutaan.”
Dr. Xuseen waxa uu sheegaay inay dawladu ka shaqaysiisay mishiinada kalyaha sifeeya oo ay baxisay dawooyinkii ugu horeeyay ee lagu kaciyay, isla markaasna ay mushaharka siiyaan dhakhaatiirta ku shaaqeeya mishiinada oo ajaanib ah, dhakhaatiirtaas oo tababarna siiya dhalinyaro reer Somailand ah si ay ugu danbaynta gacanta ugu qabtaan mishiinadaas kalyahaa sifeeya.


Sidaa awgeed wuxuu ugu  baaqay umadda Soomaliyeed, gaar ahaan kuwa reer Somaliland maadaama oo uu cisbitaalku ku yaalo Somaliland yahay inay kalintaa kaga aadan ka qaataan si aanu isku taagin marshuucaasu, loona caawiyo dadkaas dhibaataysan.”
Sidoo kale Agaasimaha Cusbitaalka guud ee Hargaysa Axmed Cabdi Cumar ayaa dad weynaha Somaliland u soo jeediyay inay ka qaybqaataan sidii uu adeegan caafimaad ee lagu sifeeyo kalyaha  usii jiri lahaa, waxaanu u soo jeediyay inay dhaqaale ku taageeraan marshuucan, wuxuuna isagoo arrintaa  ka hadlaya  yidhi,  “Hawshan waxaan doonaynaa inay dadka oo dhan kawada qaybqaataan, oo dadka reer Somaliland ay isugu tashadaan mid yar iyo mid weynba.Waxaan doonaynaa inaan dadka u sheego maanta qof u buka kalyaha ayaa jira, lakiin waxaad ku talo gashaa inay bari noqon karaan dadbadan, qof kastaana adeegan caafimaad waa uu u baahan karaa ee gurigaad beri imanaysay waa inaad wax sii dhigtaa, hadaynu meeshan wax tarno waxaynu badbaadinaynaa dadka u baahan adeegan ee dhiban.”

Rashiid Aw Maxamed Ibraahin oo ay xaaskiisu ka mid tahay dadka Cusbitaalka guud ee Hargaysa kalyaha loogu maydho ayaa isaguna dhiniciisa  ka hdlay sida ay uga faa’idaysteen adeega oo ay ka heleen dalkooda halkii ay dalal kale ugu bixi lahaayeen, isagoo  yidhi,  “Aniga xaaskayga ayaa ku jira qaybtan dadka kalyaha loo sifeeyo, runtii markaad eegto duruufaha dalka taagan waa arrinta keentay hadalkan ee la xamili waayay, waxa halkan dadka laga qaadaana waa wax aad u yar, waxaan xaaskayga geeyay Dubai, waxaana Maalintiin layga qaadi jiray 1800 oo Dirham, waxaana ka darnaa taas kharashka kale ee naga baxayay, markii lay sheegay in cusbitaalkii Hargaysa la keenay ayaan markiiba soo qaaday, hada  macaankii ayaa  inugu badan, waana wax yaabaha sababa inay kalyahu fadhiistaan, ujeedada kaliya ee aan kulankan u qabnay waxa weeye in dadku wax la baxaan oo ay taageeraan goobtan caafimaad iyo dadka tabaalaysan, walaalayaal dadkiina hantiilayaasha ah ee sadaqada iyo sakadaba bixinayaa inaad qorshaha ugu darsataan  sidaad  u kaalmayn lahaydeen dadkaa meesha jiifa ee aynu  u wada caawin lahayn.”Ayuu yidhi. muwaadinkaa oo ka mid ah dadkii ka hadlay kulankaa ee adeegaa loogu shaqeeyay.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *