Walaalo Faa’isa Maxamuud Jaamac, Walaalo Muuse Axmed Maxamuud (Muuse-Faro-laab), Walaalo Farxiya Maxamuud Jaamac,, Xafsa Axmed Maxamuud, Axmed Maxamed Cali (Laangadhe), Cabdiqaadir Ismaaciil Askar, Faysal Xiis Weerar (Afgaab), Cabdifataax Ismaaciil Mursal, Cismaan Yaasiin Cismaan, Siciid Diyo, Maxamed Cawil (Laaloo’a), Xamdi Cawil, Sanyare Jaamac Budle, Dadkaas iyo dhammaan Asxaab kale oo tiro badani waxay Hambalyo iyo bogaadin aan la soo koobi karin hawada u marinayaan.
Jaamac Maxamuud Jaamac (Jaamac-Madaxay)
Iyo
Aamina Cabdi Ibraahin
Oo ku aqal-galay Taariikhdu markay ahayd 20 June 2013 magaalada Hargeysa, waxaanay leeyihiin oo ay Illaahay uga baryayaan noqda kuwii isku waara, Ubad khayr-qabana kala hela, noloshoodana farxad, barwaaqo, bash-bash, raalli-nimo iyo jacayl ku wada noolaada, Wiil iyo Caano, Gabadh iyo Caano. Aammiin……Aammiin….Aammiin.. Allaah ha aqbalo.