Addeega Zaad Servive oo ah nidaamka xawilaadaha lacageed ee mobilka oo ay soo kordhisay shirkadda isgaadhsiinta Telesom waxaan u arkaa inuu sabab u yahay hoos u dhaca ku yimi qiimaha doolarku dalka

ka taagnaa, hoos u dhacaas oo khasaare laxaadle ku keenay nolosha bulshada oo intooda badani ku xidhan biilasha qurbojoogu debeda uga soo diraan iyo shaqaalaha kala duwan ee mushaharooyinka ka qaata hay’adaha kala duwan, islamarkaana aanay xukuumadu waxba ka qaban, waxa ku macaashtay shirkadda Telesom.

Saamaynta hoos u dhaca qiimaha dollarku waxa uu dalka u kala saameeyay sidan;

1. Xukuumadda; waxay cashuuraha ku qabataa lacagta Somaliland shilling kaash ah, iyadoo dayacday xilkii ka saarnaa ilaalinta qiimaha lacagaha adag oo lambaro u dhigma qiimaha doolarka loo sammaystay si madaxbannaan oo bilaa dammaanad ah.

2. Ganacsatada: qiime kasta oo ka dhacay doollarku waxay saaraan qiimaha allaabooyinka ay keenaan, iyadoo aan weliba waxba iska bedelin qiimaha ay debeda kaga soo iibsadaan ee doolarka ah, halka mar labaadna ay kaash wax ku iibiyaan oo faa’iido sadexaad ka helaan.

3. Zaad Service: Waxa uu noqday adeeg khalkhal geliyay habsami-u-socodkii lacagta waraaqaha dollarka ee la isticmali jiray ayay si fudud ula wareegeen iyagoo taa bedelkeedana dadka ugu adeega nambaro digital ah oo qof kasta inta lacag loo hayo uu lambar ahaan ku isticmaalo laakiin lacagtiisii ay shirkadu ganacsiyo kale ku gasho, taasoo qeyb weyn ka noqotay hoos u dhaca qiimaha doolarkii oo isu bedelay lambarada wareegaya moobilada Zaad.

4. Bulshada iyo Shaqaalaha: Khasaaraha ugu weyni waxa uu ku habsaday bulshada iyo shaqaalaha oo aan helin cid xaqooda difaacda, ka dibna xaqoodii la dhacay oo jeebkoodii la baadhay.

Waxaan leeyahay fiiro ha loo yeesho khasaaraha ka dhashay lambarada wareegaya moobilada ee Zaadku dhibaatada uu dadka u soo kordhiyay.

Mustafe Cumar Cabdi (Bagio)

Hargeysa, Somaliland

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *