Hargeysa(ANN)Xisbiga tallada haya ee UDUB, ayaa ku dhawaaqay inay kalsoonidii kala noqdeen guddida madaxweyne Siilaanyo u saaray ka tallo-bixinta furashada ururrada siyaasadda, isla markaana ay labadii xubnood ee guddida kaga jirayna kala baxeen. Ku-simaha Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka

ah ee UDUB Md. Axmed Yuusuf Yaasiin oo shalay saxaafadda u waramay, ayaa caddeeyey inay kalsoonidii kala noqdeen guddida ka tallo-bixinta furashada ururrada siyaasadda, kadib markii madaxweyne Siilaanyo uu guddidaas ka saaray Md. Yuusuf Ciise Tallaabo oo ka mid ah laba xubnood ee UDUB ugu jiray guddida. Iyada oo guddidu qoraal cabasho ah oo ka dhan ah Md. Tallaabo u gudbiyey madaxweynaha. Sidaana lagaga saaray xubinada guddidaas.
“Horta waxa muhiim ah in la ogaado xubnaha ka socda xisbiyadu maaha xubno ee waa xisbigii ay ka yimaadeen¸ wixii laga tirsanayo in xibiga lagala xaalo ayey ahayd, guddidii nalamay soo xidhiidhin oo wixii jiray noomay sheegin oo namay odhan wax ka qabta. Inta labadii xubnood ee UDUB laga xan qarsaday oo hudheel lagu shiray ayey waraaq qoreen oo ay soo saareen go’aan ah in Yuusuf Ciise Tallaabo laga saaro guddida, waraaqdaasna waxa loo qoray madaxweynaha, anagana (UDUB) ogaysiin namay soo siin.
Arrintuna waxay ku qurux badnaan lahayd in guddidu xisbiga u timaad, madaxweynuhuna namuu eegin oo markii qoraalka loo keenay namuu odhan waxaas baa jira, isna go’aan buu qaatay ahaa inuu xubintii guddida ka qaado Md. Tallaabo oo uu yidhaahdo xisbigu ha soo beddesho,” ayuu yidhi Md. Axmed Yuusuf Yaasiin.
“Xisbiga UDUB wuu tashaday oo aniga laftayda xisbigu wuu igu qabsaday in aan ogolaado magacaabista guddida, manaan filayn inay daba-fiiq yeeshaan oo waannu ka xunnahay, danta qarankana markasta waanu ku jiraynaa oo noqon mayno sidii xisbul-mucaaridkii hore ee KULMIYE ahaa. Markaa madaxweynaha waxaannu u qornay warqad sharafleh oo xisbigu wuxuu go’aansaday in dib looga noqdo ka qaybgalkii guddida tallo-bixnta furashadda ururrada. Marka horeba xubno badan ayaa ka soo horjeeday guddidaas inaanu ka qaybgalno. Waayo xisbi qaran oo cod ku fadhiya ayaanu nahay, balse aniga ayaa danta ka raacay, tallo ayaanu iskugu nimi waxa uu xisbigii isku raacay markaanu u tallo badsanay ana aan u guddoonshay inaanu kala baxno labadayada Xubnoodba guddidaasi, isla markaana kalsoonida kala noqono guddida tallo-bixinta ururadda.”  Ayuu yidhi Axmed Yuusuf Yaasiin.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *