Hargeysa(ANN)Alle ha u naxariistii waxa maanta ku geeriyooday magaalada Hargeysa Marxuum-Yuusuf Sh. Maxamed Nuur (Ugaaska), oo ka mid ahaa Xildhibaanada Golaha Guurtida Somliland. Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed

Maxamuud (Siilaanyo) ayaa dhambaal tacsi ah u diray qoyskii, qaraabadii, Golaha Guurtida iyo shacbiga Somaliland ee uu ka geeriyooday marxuumku.
Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu dhambaalkiisa tacsida ah ku yidhi   “Madaxweynaha JSL Mudane: AXMED MAXAMED MAXAMUUD (SIILAANYO) waxa uu tacsi u dirayaa Golaha Guurtida JSL, Qoyskii, Qaraabadii iyo Asxaabtii uu Ka Baxay MARXUUM YUUSUF SH. AXMED NUUR (UGAASKA) oo ka mid ahaa Xildhibaanada Golaha Guurtida oo ku Geeriyooday Magaalada Hargeysa laguna Aasay Hargeysa maanta oo Jimce ah.
Madaxwaynuhu wuxu  Illaahay uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii iyo Dhamaan Shacab-ka Reer Somaliland ee uu ka baxay Marxuunku uu samir iyo iiman ka siiyo.”
Sidoo kale, shirgudoonka labada aqal ee Baarlamaanka Somaliland  Guurtida iyo Wakiilada ayaa  dhambaal tacsi ah u diray qoyskii uu ka baxay Marxuum- Yuusuf Axmed Nuur (Ugaaska), waxaanay ILAAHAY uga baryeen inuu naxariistii jano  ka waraabiyo qoyskii iyo ummadda reer Somaliland-na samir iyo iimaan ka siiyo.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *