Tan iyo maalintii dalka dib loogu soo noqday ee ay waxbarashadu ka taabo qaaday dalkan yare ee curdinkaa ayaa iskuulada ay maamusho dawlado ay ahaayeen kuwo maalinba maalinta ka danbaysa horumar sii samaynayay ardayda ka baxaysayna ay aad iyo aad usoo badanayeen, taas

oo suurto galisay inuu maanta wadanku noqdo mid aqoonyahanada u soo kacaa ay tiro bataan maalinba maalinta ka danbaysa, taas oo aan odhan karno ardaydii ugu tayada wanaagsanayd ee soo marta taariikhda Somaliland waxay intooda badani ka soo baxeen iskuulada ay maamusho dawladu,kuwaas oo ahaa ardaydii ugu sarayn jiray sanad dugsiyeedka iyo markasta oo lagu dhawaaqo imtixaanada dugsiyada hoose /sare ee ay qaado wasaarada waxbarashadu.
Waxase maanta in badan oo dadka ka midi ka sheekaynayaan oo Af-kala qad iyo u qaadan waa ku noqotay dib udhaca intaa leeg ee sababay in ardaydii kaalmaha hore kaga jiri jirtay waxbarashada Somaliland markaliyaata laga waayo kaalmaha hore iyo xitaa kaalmaha dhexe, Halka ay iskuulada gaarka loo leeyahay ay Maalinba maalinta ka danbaysa ka soo fiicnaanayeen fursaduna maanta u saamaxday inay ku naaloodaan guusha kaalmaha ugu sareeya dhamaan imtixaanadii lagu dhawaaqay ee dugsiyada dhexe/ sare, kuwaas oo ay dadaal ay samaynayeen sanadihii ugu danbaysay maamulada dugsiyada gaarka loo leeyahay ay sababtay inay gaadhaan hadafkooodii maanta.
Dadka falanqeeya arimaha waxbarashada ayaa sababta ku sheegay inay wasaarada waxbarashadu ay ka gaabisay dugsiyadii dawlada ee hoos imanayay oo haba yaraatee waxay kala socotaa anay jirin,Halka qaar kalana ay u aanaynayaan sababta dib udhaca intaa leeg sababtay inay tahay dadaal la’aanta hadhaysay ardayda dugsiyada dawlada dhigata oo haba yaraatee wax dadaala oo la taaban karo aan la iman marka la barbar dhigo ardayda dhigata dugsiyada gaarka loo leeyahay.
Si kastaba ha ahaatee natiijooyinkii ugu danbeeyay ee lagu dhawaaqay ayaa fadeexad aan la filaynin iyo canbaar aan abid la ka go’ayn ay ka raacday dugsiyada hoos taga dawlada waxaase dad badani ay ka fikirayaan sababta keentay inay wasaaradii dhamayd ee ka masuulka ahayd dugsiyadaasi aanay uga hadal taas oo aan la garanayn sabab looga aamusaa, sidoo kale fadeexadaa ka raacday natiijooyinka imtixaanka ayaa sababtay in durtaba aayaheedii uu dhalo in waalid fara badani ay caruurtooda kula taliyaan inay ku biiraan dugsiyada gaarka loo leeyahay taas oo noqonaysa caqabad kale oo soo waajahaysa dugsiyada hoos imaada wasaarada Waxbarashada loona baahanyahay in xal kale loo helo.
Hadaba waa maxay sababta ka danbaysa in dugsiyada gaarka loo leeyahay ay kaalmaha sare ka galaan natiijooyinka imtixaanadkan sanadkan ?
Qofkasta oo ka warhayay waxbarashada Somaliland sanadihii ugu danbeeyay wuu dareemi karaa laakin hadii aan isku dayo inaan dul istaago arimaha ugu waawayn waxaana ka mid ah
1: inay dugsiyada gaarka loo leeyahay ay la wareegeen dhamaan macalintii khibrada aqooneed iyo waxdhigista lagu yaqaanay ee dhigi jiray dugsiyada hoos yimaada dawlada taas oo ay u saamaxay dhaqaalaha fiican ee ay siinayaan macalimiinta.
2: Xaga maamulka dugsiyada gaarka loo leeyahay oo ka tayo wanaagsan marka la barbar dhigo kuwa dawladu ay maamusho aqoon ahaan iyo khibrad ahaanba
3: dhiiri galin badan oo ay ardayda dugsiyada gaarka loo leeyahay ay helaan sida abaal marino kala duwan,dalxiisyo iyo kaabis ardayda laftooda lagu sameeyo khaas ahaan ardayda liidata ,halka aanay haba yaraatee intaa midna lahayn iskuulada hoos yimaada dawladu.
Arimahas iyo waxyaabo badan oo aan halkan ku soo koobi karayn ayaa loo aanaynayaa inay dugsiyada gaarka loo leeyahay kaalmaha hore ka galaan natiijadii imtixaankii sanadkan.
Ugu danbayntii waxaan talo ahaan u soo jeedin lahaa wasaarada waxbarashadu inay xisaabta ku darsato dhawrkan talo ee aan u arkay wax ku oolka si ay u soo celiyaan sharaftii,Migihii iyo karaamadii ay lahaayeen dugsiyada dawladu ay gacanta ku hayso
1: inay wasaradu u kuur gasho sababta keentay inay macalimiintii tayada lahaa ay ka dareeraan dugsiyada dawlada iskuna shubaan dugsiyada gaarka loo leeyahay
2: inay siiyaan macalimiinta aqoonta iyo waayo aragnimada leh lacag u dhiganta lacagta ay siiyaan kuwa gaarka loo leeyahay ama ka badan
3: Inay isku shaandhayn xoogan ku sameeyaan Maamulada dugsiyada oo ay keenaan dad aqoon u leh xaga maamulka dugsiyada dawlada hoos yimaada
4:inay wasaradu soo celiso tartan aqooneedkii ay sanadwalba qaban jirtay kuwaas oo kaalin muhiima u ahaa ardayda iyo dhamaan iskuulada dawlada hoos yimaada.
5: inay wasaradu soo celiso abaal marinihii ay sanadkasta siin jirtay ardayda kaalmaha hore ka gala iskuulada hoos yimaada dawlada iyo inay xidhiidh fiican la samayso waalidiinta ardayda aan ku wanaagsanayn waxbarashad..
Guntii iyo gabagaadii waxaan hambalyo u soo jeedinayaa Dugsiyaa gaarka loo leeyahay iyo dhamaan ardaydii ka gashay kaalmaha hore imtixaanaadkii sanadkan 2010/2011, waxaan u rajaynayaa Mustaqbal wanagsan oo ifaya iyo rajo wanagsan. Waxaanan leeyahay sii wada dadaalka ilaa aad ka gaadhaysaan heer dalkiina iyo dadkina aan anfacdaan

C/fataah Sh.Nuux Jaamac ( Suldaanka )
Email: Samriye 99@hotmail.com
Mobile: 4474468

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *