Cadowga qaran leeyahay waa mid hadafkiisu yahay burburinta qaranimada iyo jiritaanka dalkaas, mana kala jecela cidda hoggaanka haysa. Waxa hubaal ah inaan cadowga Soomaliland kala jeclayn Madaxweyne Siilaanyo, Riyaale amba hadday Heblaayo Dacar Madaxweyne ka tahay. Ma kala jecla xisbiyada.

 Waxa leyskaga caabiyi karaa wadajir iyo midnimo dawlad, dadweyne  muxaafidiyo mucaaridba.

Waxa ka xaaraan ah in dhacdooyinka argagixiso la siyaasadeeyo oo dadka qaar u galaan dan kooban oo gaar ah. Ma aha mid cidna lagu haleeyo. Waa waajib dhammaan bulshada saaran midba qadar ay leedahayba. Haddaan sidaas loo arag, waxa xaqiiq ah in leynaga helaayo goldalool laga soo duso. Ma maqlaysid dalalka dunida mucaarid doona inuu fal argagixiso ku eedeeyo xukuumadda si uu oga faa’iideysto siyaasad ahaan. Dalalka horumaray oo mucaaridku yahay heegan aan dhulka u dhigin eedo kasta iyo dacaayad kasta ooy si cad iyo si kaleba ku moosi karaan xukuumada, ayaa waxa ka caagan inay arrimaha amniga dacaayad ka dhigaan. Ma aha mid ay u danaynayaan xukuumadda ee waa mid ay danta guud waajib ka dhigtay, cidda is-tidhaa ka faa’iideysana waxa arka dadweynaha oo abaalkooda ku mariya xiliga doorashada. Waayo ninka arrin amni dacaayad ka dhigaa waa nin la saftay cadowga, duulaanna ku ah qarannimada dalka.

Haddaba dhacdada argagixisadu ku soo gashay dalkeena iyagoo duulaan ku ah Jaarkeenu waa cadow iyagana waxa ka cadaawad xun kuwa dalkeena u dhashay ee arrinta ku taakuliyey. Waxay duulaan ku yihiin nabadeena, horumarkeena, iyo nolasheena. Waxa ayaan darro ah in xukuumaadii shalay ee 50ka cisho dalka ka maqani ay bilawdo iyaga iyo xisbigoodu dacaayad ay gaadhsiiyaan inaan dalkeena amni iyo nabad la sugi Karin ooy uga digaan shacbi iyo shisheeyaba. Waxay noqdeen dad u adeega cadowga Soomaliland. Waxaad ogaataa hadafka cadowgu inay ugu weyntay in kalsoonidu dadka ka lunto, inay cabsi iyo degnansho la’aan ina gaadhsiiyaan, waana waxa loogu yeedhay magaca argagaxiso. Waxa dhammaan leynooga baahan yahay inaynu is-barbar taagno hay’adaha amniga oon u noqono dhegaha ay wax ku dhegeystaan iyo gacmaha ay wax ku qabtaan. Waa waajib qaran oo cid walba saran. Ciidan iyo ma jirto xukuumad ilaalin karta xuduudkeeda itaal kasta ooy leedahay, waxa lagama maarmaan ah in dadweynahu qaataan doorka ka saran ilaalinta nabadgelyada. Meel kasta ood joogto iyo xil kasta ood hayso u darbanow ilaalinta nabadgelyada. Hana noqon mid fidiya dacaayadda cadowga si toos ah amba si dadban.

Haddaynu wax yar ka faaloono dhacdada xeebaha Galbeed, waxa xaqiiq ah in falka ay ku soo gudbeen tirada labada boqol kor u dhaaftay, tahay mid muddo dheer la qorsheeyey oo weliba dhowr jeer oo hore ay kooxo intan ka yar lagu dayey. Waxayna u eegtay in kolkii camaliyado hore lagu guulaystay lagu soo dhiiraday, iyagoo la kaashanaaya xilkigan kala guurka iyo weliba maalintii ciidda. Waxa se helay hoog iyo halaag ay qorshahoodii ku biyo-shubtay guul darro. Taasi waxay tahay mid muujinaysa inkasta ooy ahayd inaan dalkeena lagu soo xadgudbin,  in aynu leenahay awood lagu hakameeyo dhacda kasta oo argagixiso la timaado.Taas mecnaheedu ma aha in ayna jirin dhaliilo iyo meelo u baahan gufeyn. Taas waxa la heli doonaa kolka guddiga loo saaray soo afjaraan siday wax u dhacayn. Qaladka laga faa’iideystaa ma aha khasaare. Khasaare waxa ah kana an laga faa’ideysan ee soo noqnoqda.

Maanta waxa habboon in la sameeyo baadhis xididika lagu saaro halka tageerada iyo taakuleynta ay ka helaan cadowgan inta badan soo noqnoqday. Taasi waxay suurtagal noqonaysaa kolka dadweynahu isku duubnaado ooy dhan ka wada maraan kuwa nabadeena iyo nolasheena ku soo duula.  Muwaadin iska jir inaad hubsiimo la’aan u qaadato dacaayadaha cadowga iyo kas gaabku fidiyeen. Ma aha in falalka argagixiso loo arko mid waxyeeladeedu u eegtay xukuumadda. Ogsoonow in aad adigu tahay birtilmaameedka cadowga oon nasaneen ilaa ay burburiyaan qaranimada Soomaliland. Yaan danayste meel dhow wax ka arkaa kuu tilmaamin in aarintu ku koobantay xukuumadda. Gudo waajibka dadka iyo dalku kugu leeyahay oo cidna ha ku haleyn ee inta karankaaga ah ku biiri badbaadada qaranka iyo ilaalinta nabadda guud.

Bal aan idin xusuusiyo dhacdooyinkii ina soo maray xiligii xukuumaddii Mad.Riyaale ee dilka, dhaawaca iyo burburka geystay ee inta badan xukuumadaasi ku eedayn jirtay xisbiga KULMIYE. Waxa cad in kolkii ay mucaaridka noqdeena isla halkii ay ka wadaan, oo waxaad moodaa inay mucaaridnimada ka bilaabeen meelo ka caagan siyaasadda kolkay waayeen meel kale ooy garaacaan, haddayna ka ahyn garasho. Bal akhristow taas barbar dhig waxa ay wakaaladaha wararku ka qoreen dhacdadan maalmahan. Waa tan Itoobiya waxay ka qortay ee guji linka hoose:
Eritrean trained ONLF rebels surrounded

http://www.waltainfo.com/index.php?option=com_content&task=view&id=23374&Itemid=47
Halkan ka akhri oo ka dhegeyso Wasiir/Xig Wasaaradda Arrimaha Debedda Maxamed Yoonis (VOA English).

Somaliland Army Drives Out Ethiopian Rebels
http://www.voanews.com/english/news/africa/Somaliland-Army-Drives-Out-Ethiopian-Rebels–102910114.html

Dhinaca kale bal akhri oo xusuuso waxii aan ka qoray dhacdadii foosha xumeed ee Madaxtooyada lagu weerarey 2008. Maqaalka sii akhri oo guji cinwaankiisii amba linka hoos ku qoran:SHAHIIDKA DUUG
http://samotalis.blogspot.com/search?q=shahiidka+duug

Sidoo kale alkhri hadalka qiimaha badan ee wadaninimadu ku dheehantay ee Madaxweyne Axmed Siilaanyo ka yidhi arrintan isagoo ah Guddoomiyaha Kumiye ee inta badan xukuumaddii UDUB ku dhaleecayn jirtay inay sabab u yihiin falalka argagixiso, taas ag dhig reer UDUB waxa arrinta xebta ka yidhaahdeen. Waxa kuu caddanaysa cidda dalkan lexjeclada ka leh iyo cidda danta gaarka ah ee gaaban ka indho-tirtay waajibka qaranka ka saaran. Waa war ay qortay wargeyska OGAAL 30 SEP 2008. Wararka Wargeyska OGAAL, Khamiis: Magacyada Dhimashada iyo dhaawaca Qaraxyadii Argagixiso ee shalay 30 SEP 2008

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa qaraxyadaas ku tilmaamay falal Argagixiso ah oo lagu waxyeelaynayo Dimoqraadiyada iyo Nabadgelyada Somaliland. “Arrintaasi mid muran ku jirta maaha. Arrintaasi waxa weeye; fal aad iyo aad u fool xun oo lagula kacay dadweynaha Somaliland. Si buuxda ayaanu u dhaleecaynaynaa haddaanu xisbiga KULMIYE nahay iyo haddii aanu nahay qaranka reer Somaliland iyo asxaabta intayada kale kuligayo.” Sidaa ayuu yidhi Axmed-Siilaanyo oo u waramay Laanta afka Soomaaliga ee idaacadda Codka Maraykanka ee VOA. Wuxuuna intaa raaciyay oo uu yidhi; “Maanta Madaxtooyada waanu isugu wada tagnay hadaanu asxaabta Mucaaradka nahay, dawladda hadaanu nahay iyo hadday tahay qaybaha kala duwan ee bulshada. Arrintaa waxaanu u aragnaa inay tahay cadaawad iyo duullaan lagu soo qaaday dawladnimadayada, dadnimadayada, Nabadgelyadayada, wadajirkayaga iyo Dimoqraadiyadayada. Waa arrin fool xun oo Illaahay hortii ku xun, Islaaminada ku xun, Soomaalinimada ku xun oo dadnimada ku xun. Arrintaa si buuxda ayaanu u dhaleecaynaynaa, dadkayagana waxaanu ugu baaqaynaa iyo dadka nabadda jecel meel ay joogaanba in arrintaa meel looga soo wada jeesto. Markii ugu horeysay ee dalkayaga Argagixiso isku dayday inay falal noocaas ah oo kale kula kacdana maaha. Dhowr jeer oo hore ayay dhacday oo dadweynaha reer Somaliland baa toos wax uga qabtay, ugana daafacay dalka, maantana waxaan hubaa kuna kalsoonahay in dadweynaha reer Somaliland Culimo-awdiinkiisa, dhalinyaradiisa, wax-garadkiisa, siyaasiyiintiisa, ciidamadiisa iyo guud ahaan shacbigiisu meel arrintaas ka wada taagan yihiin.” 

Warkoo dhan sii akhri…Wararka Wargeyska OGAAL, Khamiis: Magacyada Dhimashada iyo dhaawaca Qaraxyadii Argagixiso ee shalay 30 SEP 2008
http://www.somaliland.org/2008/10/30/wararka-wargeyska-ogaal-khamiis-magacyada-dhimashada-iyo-dhaawaca-qaraxyadii-argagixiso-ee-shalay/

Muwaadin ha u hiilin cadowga, ha il-duufin waajibka qaranka kaa saran, hubso oo ha rumeysan danayste, kas-gaab iyo mid halkan u jooga cadowga. Ciddii tuhun lagu qabto, sug inta maxkamad la marinaayo, ha u qaadan dambiile, hana u qaadan danbi-laawe leyska qabtay, sug inta maxkamadi xukumayso. Muwaadinka la qabtay, isagoon la jidh-dilin, oon sharaftiisa la dhaawicin, ayuu heli doonaa maxkamadda uu xaq u leeyahay inuu iska daafaco. Yeyna dhicin hubsiimo la’aanta shalay ka dhacday Boorame ee keentay muwaadiniin ku dhaawacmay.Alle ha bogsiiyo inta waxyeeladu soo gaadhay. Muwaadin ha noqon baaruudda fidnada loo adeegsado, hana gubin gurigaaga adigoo isleh cid ku xumee.

Wadajir iyo midnimo aynu ku ilaalino nabadgelyada, la’aanteed waa burbur iyo hoog ina wada saameeya.

Allow nabad iyo caano
Tan iyo kulanti dambe Insha Allah,salaani korkiina ha ahaato.

Ahmed Arwo
samotalis@gmail.com
Hargeysa.

http://samotalis.blogspot.com/


Posted By Samotalis to SAMOTALIS at 9/17/2010 10:59:00 PM

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *