Dhacdadii maleeshiyada hubaysani kaga soo degtay 10/09/2010 Dekadda Dabiiciga ah ee Bullo-Caddo ee Gobolka Salal waxay noqotay mid ninba sida uu jecelyahay u fasirtay, ilaa iyo haddana lalmanaysa oo aanu nuxurkeedu saldhigin; taasi oo keentay in dambiyo kale la sii tiimbado.

 

Marka hadaba la kala saaro fasiraadda saxaafadda madaxa banaan,bulshada rayidka ah iyo Xukuumadda Somaliland, lala yaabi maayo aragtida saxaafadda iyo bushada rayidka midna; hase yeeshee wxa aad yaab u leh Xukuumadda u kala hadashay siyaabo kala duwan oo aan midna salka ku haynin xaqiiqo dhab ah oo la hubsaday – iyadoo nin kastoo hadlayba ka hordhacay tallaabadii maamul ahaan arrinta xogteeda iyo xaqiiqadeeda lagu heli lahaa, kadibna loo soo bandhigi lahaa shacbiga guud ahaan, gaar ahaanna saxaafadda si looga ilaaliyo male-awaalka naxliyeysan ee loola kala cararay.

Arrintaa jidkii ku habboonaa ee maamul (The right procedure) waxa qaaday Madaxweynaha Somaliland oo kaliya – Axmad Maxamad Maxamuud – isagoo u saaray guddi soo baadha, soona xaqiijisa sida arrintu u dhacday si loo helo tallaabada ku haboon ee laga qaadi karo; sidaa awgeed, waxa waajib ahaa in la sugo oo aanay Xukuumadda qaarkeed ka deg degin natiijada guddigu la soo gurya-noqoto.

Shaki kuma jiro in dhacdadani Somaliland ku tahay “Bahdallaad Siyaasadeed”, hase yeeshee ay mustaqbalka u soo hoyn karto waxtar ka badan waxyeeladeeda maanta – haddaan sii iftiimiyana, waxa muuqaneysa in siyaasadda dhaqaalaha, gaar ahaan isticmaalka badda Somaliland la xoojiyo; taasi oo xoojin doonta siyaasadda amniga gudha iyo dibaddaba.

Sidaa darteed; waxan Madaxwynaha Jamhuuriyadda Somaliland u soo jeedinayaa inuu laalo wax kasta oo hadal ah ee ka hordhacay guddiga xaqiiqo raadinta; isla markaana natiijada guddiga kadib lagu wajaho arrintan qaab mudnaanta koowaad siinaya degenaanshaha gudaha Somaliland kadibna darisyada.

Salaadiinta iyo Cuqaasha Gobolka Awdal ee shalay shirka jaraa’id ku qabtay magaalada Boramana waxan u soo jeedinayaa inay kalmadooda soo mideeyaan marka ay saxaafadda midnimo ku hor fadhiisanayaan; isla markaana ay iska ilaaliyaan ku go’aan qaadashada wararka jibada ku dhisan sida hadalkii Oday Xuseen Cawaale ku lahaa Guddiga xaqiiqo-raadinta ee ahaa “Ilig kaliya ayaa nagu hadhay ee idinkuna ma inaad naga riddaan ayaad u timaadeen”.

Oday Xuseen Cawaale waxan weydiinayaa: waa kuwee dadka ilkaha laga guray? yaase ka guray? Waxan u soo jeedinayaa saaxiibkay Oday Xuseenna inuu raali gelin ka celiyo hadalkaa uu ugu gafay ummadda reer Awdal iyo Salal maxaa yeelay cidina ilkaha kama guri karto.

Ugu dambeyn; waxan aad u cambaareynayaa qaska siyaasadeysan ee wali laga wado magaalada Borama; kaas oo lagu daadiyey dhiigga dad aan waxba galabsan oo hawlahoogii u kallahay; waxanse Ilaahay kalsoonidii ku qabaa in aanay guuleysan doonin wax-ku-doonka noocan oo kale ahi.

Wabillahi A Tawfiiq.

Maxamed Cabdullahi Xaaji Obsiiyeh
Riyadh – Saudi Arabia.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *