-
Published On: Tue, May 31st, 2011

Xusuusta Sannad-guuradii 23aad Ee Kasoo Wareegtay Ismiidaamintii Halyeeyadii SNM Ee Magaalada Hargeysa

Smiley face
Share This
Tags

Hargeysa(ANN)Maanta taariikhdu tahay 31 May 2011, waxay ku beegan tahay sannad-guuradii 23aad ee ka soo wareegtay markii 31 May 1988 ciidamadii SNM dagaalka ismiidaaminta ah ku soo galeen gudaha caasimadda Hargeysa, halkaasi oo ay dagaal kulul ku waajaheen fadhiisimadii

milatarigii Soomaaliya oo ka mid ahaa kuwa ugu awooda badan qaarada Afrika.
Hadaba wargeyska Jamhuuriya, ayaa warbixintan ka diyaariyey habeenkii gudagalka magaalada Hargeysa ee 31 May 1988, warbixintaasi oo xusaskii hore ee 31 May wargeysku u soo gudbiyey akhristayaasha iyo dadweynaha reer Somaliland. Taasi oo iyada oo faahfaahsan u qornayd sidan:
“Waxay ahayd saq dhexe oo ku beegnayd abbaaro 2:30 habeenimo waxay soo galleen socod dheer, iyo waliba laba dagaal oo jid gooyo ah oo kula kulmay jidka, waxa dhufaysyada ugu sii diyaar garoobay cudud Millateri oo boqol jeer ka xoog badan, tiro ahaan iyo hub ahaan iyo tashiilaadba. Hasa’yeeshee uma habran ee waxay afka isaga shubeen saldhigyo iyo dhufayso Millateri oo ka mid ahaa kuwii ugu ad-adkaa ee taliskii Siyaad Barre, ka dib na ka sayid-caleeyeen oo u mareen sida hilaaca (Kuwaasi waxa ay ahaayeen guutooyinkii ciidamadii SNM ee ka dagaal-galay aagga Hargaysa May 31 1988). 31 ka May waxay ahayd mid ka mid ah maalmaha taariikheed ee ugu muuqaalka weyn waayahii dagaal ee Ururkii SNM.
Bishii May 1988, waxa heshiis wada galay labadii nin ee madaxda ka ahaa talisyadii Soomaaliya iyo Itoobiya, Siyaad Barre iyo Mengistu, kaasi oo tumaati ku noqday geeddi socodkii halgankii dagaal ee Ururkii SNM, ka dib markii hoggaamiyayaashii SNM lagu wargaliyay mid ka mid ah qodobadii ay ku heshiiyeen laba talis, kaas oo dhigayey in fadhiisimadii ciidan ee SNM loo raro gudaha dambe ee dalka Itoobiya, lagana fogeeyo goobaha u dhow ciidammadii Siyaad Barre. Hasa-yeeshee, hoggaamiyayaashii SNM oo si weyn uga biyo-diiday tallaabadan ayaa qaatay go’aan lagu tilmaami karo mid argagax leh, marka loo eego duruufahii siyaasadeed ee ku xeernaa SNM, taas oo ay jawaab uga dhigeen xaaladdii afar- Jaho-eega ahayd ee soo waajahday guluf dagaal oo ay ku ekeeyeen gudaha dalka, gaar ahaan magaalooyinka waaweyn.
27-kii May 1988, ayaa markii u horreysay ciidamadii dagaal-yahankii SNM, weerar dhacay hiirtii waaberi ee maalinimadii Jimcaha ku galeen magaalada Burco.
30-kii May 1988, waxa iyaguna weerar ku qaaday jiidka Cadaadlay cutubyo ka tirsan dagaal-yahanadii SNM oo uu taliye ka ahaa Allaah ha u naxariistee marxmuum mujaahid Xuseen Dheere. Sidoo kale, 31-kii May 1988, ayaa ciidan tiradiisa lagu qiyaasay ilaa 1,400 oo dagaalyahan saq dhexe weerar ku mireen saldhigyadii iyo talisyadii Millateri ee Qaybtii la odhan jiray 26-aad oo ahayd mid ka mid ah saldhigyadii Millateri ee ugu awoodda badnaa ciidamadii Siyaad Barre. Ka hor intii aanay ciidammada SNM ku soo hoyan gudaha Hargaysa, waxa is weydiin leh sidee buu u eekaa jawigii diyaar-garow ee Hargaysa, sidee buu se’ ahaa isu dhiganka ciidan ee labada dhinac ee kala ahaa SNM iyo ciidamadii Siyaad Barre?
Waatan xog kooban oo muujinaysa cududii ciidan ee labada dhinac. “Ciidamadii SNM ee ku soo beegnaa aagga Hargaysa oo uu taliye ka ahaa Muj. Ibraahin Cabdillaahi “Dhago Weyne”, waxay Guutooyinka Barkhad iyo Sayid Cali ka dagaal galeen aagga dhexe ee Cadaadlay, waxaana hoggaaminaayey Mujaahid Xusseen Dheere. Guutada Sayid Cali waxa Taliye ka ahaa Mujaahid Maxamed Cilmi Samatar, Guutada Sancaani waxa Taliye ka ahaa Aadan Cadde, Guutada 20-aadna waxa Taliye ka ahaa marxuum mujaahid Axmed Dhagax. Sidoo kale taliska ciidanka iyo hoggaamintiisaba waxa joogay saraakiil door ah oo magac leh. Ciidanku guud ahaan wuxuu ka koobnaa tiro gaadhaysa 1,400 oo Mujaahid, Qoryaha Tiknikada ahi waxay ka koobnaayeen ugu badnaan 12 xabbo oo kala ah: 1 Zuu 23, 2 xabbo oo ZGU ah (Lidka Diyaaradaha), 2 xabbo oo Jiibab ah, 1 Beebee, 1 SK43, 1 BM21, 1 Baroon, 3 xabbo oo nooca Grand B loo yaqaano ah iyo 1 xabbo oo Anti- tank 57 ah.
Dhinaca kale, ee cadowga ama Ciidamad Siyaad Barre marka aad eegto, gaar ahaan markaad eeggto Ciidanka Gaaska 2aad oo fadhigoodu ahaa Hargaysa , kuwaas oo ahaa aagga ay ku soo beegan yahiin ama ku soo jeedaan Mujaajidiintii SNM ee aagga Makka waxa ay u dhignaayeen iyaguna sidan: Guuto 5-aad oo fadhigoodu ahaa Gabiley, Guuto 50-aad oo fadhigoodu ahaa Gumburaha, Guuto 87-aad oo fadhigeedu ahaa Bali-Shirre iyo Guutada 661-aad oo ahayd madaafiicda goobta, kuna kala filiqsanaayeen fadhiisimooyinka Guutooyinka oo dhan. Gaaska 2aad waxa taageerayey Urur taangiyo ah oo fadhiyay Gabiley iyo Hurinta lidka diyaaradaha oo fadhiday Hargaysa. Gaaskan waxa kale oo kayd xoojin ah u ahaa 6 Baabuur oo BM13 ah, 3 Baabuur oo BM21 ah, Ururka 16aad oo ka koobnaa 24 taangi oo noocoodu kala ahaa 55 iyo 54, kuwaas oo ku kala diyaarsanaa Gabiley iyo Dararweyne, Ciidamadii Taliska Qaybta 26aad oo ka koobnaa Urur Daraawiish ah, Urur Koofiyad Cas ah, Urur Miinada ah, Urur Isgaadhsiin ah, Ururka Saadka ah, Ururka Dhismaha, Hurinta warshadaha kabidda, Cutubyadii Dugsiga Tababarka Madaafiicda, Guutada 4aad ee Gantaalaha oo kala fadhiday; Masalaha, Waraabe Salaan iyo Berbera. Ciidankii Guul-wadayaasha, Daraawiishta iyo booliska iyo ciidanka Asluubta. Waxa kale oo kayd ahaan u diyaarsanaa ciidanka cirka oo haystay 3 diyaaradood oo hawlgal ah, duuliyayaashii u diyaarsanaa waxa ka mid ahaa; Xirsi, Mursal Muufo, Yuusuf Waraabe iyo rag kale . Guutada 24aad waxay haysatay Tikniko ka koobnayd 23 Beebee iyo 24 Madfac (106). Taliyaha Gaaska 2aad wuxuu ahaa Cabdillaahi Mukhtaar, Abaanduulahuna waxa uu ahaa Maxamed Maxamuud. Sidoo kale Taliyaha Qaybta 26aad waxa uu ahaa Maxamed Saciid Xirsi (Moorgan), Abaanduulahiisuna waxa uu ahaa Cabdicasiis Cali Barre, Hawlgaliyaha qaybtuna waxa uu ahaa Cabdillaahi Xusseen Soobe.
Ciidamadii SNM ee aagga Makka, waxay markii hore kala fadhiyeen goobaha kala ah; Kaba-qorey, iyo Caraancaray, balse waxa ay xiligii diyaar garowga iskugu yimaadeen meesha la yidhaahdo Bali-Samatar oo 40km ka xigta dhinaca koonfureed magalada Hargaysa, waxaanay halkaasi ka soo dhaqaaqeen1:00 duhurnimo. Isla markaana waxa dagaalku uu Hargaysa ka bilaabmay abaaro 2:30 habeenimo ee saqdii dhexe, waxayna ciidamadii SNM ay weerareen markii u horreysay Taliska Qaybta 26aad iyo fadhiisimadii kale ee muhiimka ahaa-ba.
Ciidamadii SNM waxa ay ku soo guureen ilaa 20-neeyo baabuur oo kuwa dadweynaha ah, waxaana gaadiidleyda laga xusi karaa Haybe Jeeni iyo Xasan Waraabe, oo ka mid ahaa odayaashii hormoodka ahaa. Cali Gurey oo ka mid ahaa koox sahan ah oo 18 xubnood ka koobnaa, kuwaas oo magaalada ku soo hoyday habeenimadii Sabtida ee 28 May 1988, ayaa isaga oo ka waramaaya sidii uu ahaa dareenka Hargaysa, ka hor intii aanay soo gelin ciidamadii SNM waxuu yidhi “Magaalada waxaanu soo galnay fiidnimadii, waxaanu ka koobnayn 18 xubnood, hawgalkana waxa madax ka ahaa Alla ha u naxiistee Mujaahid Gacmo Dheere, 12 xubnood waxay ka hawlgaleen hareeraha magaalada, 6 xubnood oo aan ka mid ahaana waxay ka hawlgaleen gudaha magaalada. Markii uu dhacay dagaalkii Burco ee May 27-keedii 1988. waxa is beddeley qaabkii iyo dhaqdhaqaaqii ciidamadii Siyaad Barre ee Hargaysa fadhiyay. Waxaa si xoog leh magaalada ugu socday xadhig iyo qabqabasho dadka muhiimka ah lagu beegsanayo.
Magaalada bandoo casar dheere ah ayaa lagu soo rogay. Dadka waxa ka muuqday dareen argagax leh, mana saadaalin karayn sida xaaladu u dhaci doonto. Cudud ahaan labada ciidan ee SNM iyo kuwii Siyaad Barre ma ahayn wax la isku qiyaasi karo, haddana markii weerarku dhacay natiijadii guushu ma noqon mid raacda dhinaca cududa weyn ee waxay noqotay mid raacda dhinacii cududa yaraa. Waayo dagaalyahankii SNM waxay xambaarsanaayeen niyad sare oo ay ku soo dagaal-galeen. Lama qiyaasi karo dareenkii Hargaysa ee qaraxa dagaalka ka dib, waxayna noqotay waxii maalintaasi ka dambeeyay goob dagaal ilaa 1991 markii la qabsaday.”
Maalmihii Guda-galka ee ciidamadii SNM iyo maalmihii ka horreeyayba waxa Ururka SNM hadheeyay waayahii ugu adkaa geedi socodka jiritaankiisa, hase yeeshee waxa la odhan karaa gulufkii dagaal ee ay ku eekeeyeen gudaha dalku waxa uu ahaa mid ay kaga fara muruxsadeen duruufo badan oo ay ka mid ahaayeen, heshiiskii labada talis ee mar qudha ka dul dhacay oo si weyn saameyntiisa u lahaa la odhan karo, kaasi oo ahaa laba daran kala dooro.
Mujaahid Muuse Biixi Cabdi, oo ka mid ahaa Hoggaamiyayaashii Milletari ee Ururkii SNM, isla markaana hadda ah Guddoomiyaha xisbiga tallada haya ee KULMIYE, ayaa isaga oo sharax ka bixinaya waayahii SNM ee Maalmahii heshiiska ( Siyaad Barre iyo Mengistu) iyo guda-galkii 31 May, 1988, ee aagga Hargaysa waxa uu yidhi oo hadaladiisii ka mid ahaa “Sababta degdega ah ee kalliftay in la soo qaado dagaal gudaha ah waxay ahayd mid siyaasi ah oo ka dhalatay heshiiskii dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya hogaamiyayaashoodii, kaas oo dhigayey in ciidamada SNM iyo SSDF oo aan markaa cudud weyn lahayn dib looga qaado xuduudaha agtooda, maadama labada dal nabad wada gaadheen, ka dibna waxa go’aan lagu gaadhay in gudaha la soo galo, oo laga samaysto saldhigyo, sidaa awgeed waayo-aragnimadii dagaal ee SNM ka dhaxashay duulaankii buuraha ee 1984-kii oo lagala kulmay dayac iyo dhib badan ayaa la isla gartay in cadowga madaxa laga gaa-gaabiyo oo la weeraro goobaha iyo taliska ciidanka cadowga. Waxaanay xoogaggii SNM go’aansadeen in marka hore la beegsado labad barood ee Hargaysa oo ahayd fadhigii Qaybta 26aad iyo Burco oo uu degenaa Gaas xoog badan.”
Mujaahid Muuse Biixi, isagoo mar kale ka hadlaya waayahii Maalintaas 31 May ee 1988 ee guda galka Hargaysa . Waxa uu yidhi “Runtii maaha wax laga sheekayn karo, ciidanku waxa ay ahaayeen ilaa 1400 oo u badan dhallinyaro rag ah, dumarna waa ku jireen, waxay ahaayeen naftood hurayaal doonayey in ay u badheedhaan cudud ka mid ah ciidammadii ugu xooga badnaa Afrika. Runtii waxay ahayd mucjiso ciidammadii SNM ee Hargaysa ku wajahnaa duruufo jiray awgood oo ay ugu badnayd dhinaca shidaalka iyo saadka, ayaa sababay in ay soo kala hor dhaqaaqaan.
Markaa 28kii May, waxa soo dhaqaaqay Guutooyinka Barkhad iyo Sayid Cali, oo weerar ku qaaday aagga Cadaadlay. 31kii May, waxa Hargaysa soo galay, Guutooyinka kala ah: Sancaani, Sayid Cali iyo Sayid Cumar. Sidoo kale Guutada 5aad waxay ku aadanayd aagga Gabilay. Ciidanku wuxuu ka soo dhaqaaqay Bali-Samatar 1:00 Maalinimo, waxaanu soo maray wado aad u dhib badan oo la yidhaahdo Daba-taxan, intii aanu soo soconay waxa la nagu soo riday Madaafiic, waxaana la noo galay jid-gooyo taag-daran, hase yeeshee umaanu joogsan marnba, Masalaha markii aanu maraynay ayaanu ciidankii u horreeyay ee cadowga is qabsanay, kaas oo ahaa ciidan xoojin ah oo ka yimid dhinaca Boorama, gabalka ayaana isugu kaaya dhacay.
Habeenimadii waxay noqotay in ciidanku lug ku soo dhaqaaqo, gaadiidkuna soo maro Wado-Geel, Xagal u dhow. Markii aanu isa soo taagnay buurta yar ee u dhow Qaybta, waxa xabbadii u horeysay ku riday Taliska Qaybta Gaadhi uu saarnaa Qori” Grand B” ah, oo uu waday nin la odhan jiray Caqaar, ka dib na weerarkii ayaa ballaadhay. Runtii habeenkaa ciidammadii Siyaad Barre waa laga qabsaday meelihii muhiimka ahaa ilaa Bir-jeex, laakiin mushkiladda ugu weyn ee nagu dhacday waxay ahayd annagu maanu haysan is-gaadhsiin, taasina waxay keentay in aanu kala lunno.
Intaa gurmad baa nagu soo qul-qulaayey. Habqan dagaal baa dhacay, ciidammadii cadowguna garoonka diyaaradaha ayay isku urursadeen. Annaga dadka ayaa na hoggaaminaayey oo is-gaadhsiin noo ahaa, iyagana Raadyowga ayaa hoggaaminaayey. Lagama sheekayn karo habeenkaa iyo maalintii siddii ay xaaladu ahayd, waxaana naga geeriyooday rag badan. Shicib badan baa dhintay. Wax waliba way dhaceen, jawigii magaaladuna si degdeg ah ayuu isu baddelay.”
Marxuum Mujaahid Adaan Dhamac Diiriye Alle ha u naxariistee, ayaa isna ka tirsanaa saraakiishii Millateri ee SNM, xilligaana ahaa madaxa madaafiicda, ayaa isna ka hadlay May 31, 1988, waxaana haddaladiisii ka mid ahaa: “Heshiiskii Itoobiya iyo Somaaliya wada gaadheen, wuxuu dhaawac ku ahaa halgankii SNM, waxaana la gartay in dagaal lagu qaado gudaha, waxaana abuurmay mooral mideeyay ciidammadii SNM, wuxuuna naga furtay dagaalkii aanu gudaha ku soo qaadnay duruufo jiray wakhtigaa awgood. Ilaa markii aanu ka soo dhaqaaqnay Bali- Samatar ilaa markii aanu soo gaadhnay Masalaha oo xabbadu nagaga bilaabmatay, sacab iyo farxad ayey ciidamadu ku soo jireen. Weerarkan ay SNM gudaha ku soo gashay waxa kale oo uu joojiyay xasuuq ka socday gudaha oo lagu laynayey nin kasta oo qiime leh, arrimahaas ayaa dedejiyay weerarka lagu soo qaaday gudaha. Awoodda ciidammada naga soo hor jeeday iyo awoodayadu ma ahayn laba la is bar-bar dhigi karo, magaaladana waxaanu soo galnay labadii habeenimo, ka dib na qaybta 26aad ayay ku bilaabmatay xabbadii u horreysay, magaaladuna waxa ay gashay xaallad jaha-wareersan oo aan muuqaalkeeda laga sheekayn Karin.”
Mujaahid Cali Maxamed oo isna ka mid ahaa masuuliyiintii hoose ee ciidamadii SNM ee Hargaysa ka hawlgalay ayaa isaga oo muujinaya dareenkii habeenkaa waxa uu yidhi: “11:00 Habeenimo anagga oo joogna Sheekh Cumar dushiisa, ayaa nala siiyay waajibaadkii dagaal, ka dib na habeen-badhkii, ayaanu so galnay Hargaysa. Markii aanu dhismaha Qaybta 26aad u soo jirnay wax ka yar 1km, ayaa rasaastu nagu bilaabmatay, annaguna weerar ayaanu u soo kala baxnay, waxaanuna qabsanay Qaybtii oo waagii ayaa noogu baryay halkaasi. Maalintaasi waxa aan ku tilmaami karaa maalintii ugu dhibaatada badnayd, uguna mooraalka saraysay, dadweynaha ayaa si la yaab leh noo caawinaayey, waxayna nagula soo yaacayeen cunto, iyo biyo.”
Maanta oo taariikhdu tahay 31 May 2011 waxay Jamhuuriyadda Somaliland ku naaloonaysaa halgankii dhiiga badnaa ee naf iyo maalba loo soo huray, kaasi oo inta Illaahay ka sokaysa suurtogeliyey in ururkii SNM sannadkii 1991 dalka xoreeyaan ciidammadii Faqashta ee dhiabatada badan ku hayey dadka iyo dalkaba.
xigasho Jamhuuriya
Araweelonews Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

About the Author

-

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>