Hargeysa(ANN)Wasiirka wasaarada maaliyada Somaliland Eng. Maxamed Xaashi Cilmi ayaa dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii uu soo dhamaystay socdaal caafimaad oo qaatay mudo laba bilood ah, kaas oo ku tagay dalka Bqortooyada Sucuudiga.
Wasiirka oo shalay kasoo degey  madaarka Hargeysa, waxa halkaa  ku qaabilay Wasiirka Daakhiliga Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, Wasiirka waxbarashada Marwo Samsam Cabdi Aadan, Wasiir Ku xigeenka Maaliyada Warsame Siciid Cabdi iyo masuuliyiin kale.
Wuxuuna ka hadal kooban ka jeediyay halkaa, isagoo yidhi, “Waxaan socdaal u tagay dalka Sucuudiga ILAAHAY ayaa mahad lehe waan soo noqday waanan soo dhamaystay hawshii aan halkaasi u tagay aad iyo aadna waan u fiican nahay, waa ILAAHAY mahadii inaan dalka ku soo noqdo anigoo caafimaad qaba. Dhakhataro wanaagsan iyo cisbitaalo qalab wanaagsan haysta ayaan tagay Sucuudigu waa meel horumartay sida runtii oo aqoontii iyo hayntiiba isku darsatay. Waxaanan kala kulmay wanaag,”ayuu yidhi Wasiirka Maaliyadda oo madaarka ugu waramayay saxaafaddu.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *