https://webmail.one.com/hig/imap/info%40araweelonews.com/INBOX/499/2?uidval=1268568853Baardheere(ANN) Shirkada Dahabshiil ayaa deegaanka Baardheere ee koonfurta Somalia raashin sahay ah. Qoraal saxaafada loogu talo galay oo maamulka shirkadda Dahabshiil soo saaray ayaa u qornaa sidan;- “Iyada oo laga duulayo taakulaynta dadka ku baro-kacay abaarihii dhowaaan luufluufiyey meelo

 

badan oo ka mid ah dhulalka reer guuraaga Soomaalidu degaan, ayaa waxa uu toddobaadkan gaadhsiiyey mucaawimooyin bini aadannimo qayb ka mid ah dadka ku tabaaloobey abaarahaas oo u soo qaxay magaalada Baardheere.

https://webmail.one.com/hig/imap/info%40araweelonews.com/INBOX/499/5?uidval=1268568853

 

Saraakiisha xafiiska shirkadda Dahabshiil ku leedahay degmada Baardheere, oo uu hoggaaminayo Wakiilka Xafiiska, Cali Maxamuud Garaad, ayaa waxay u qaybiyeen dad gaadhaya ilaa 360 qoys oo qoyskiiba uu helay ilaa 25 kilogram oo isugu jira bur iyo bariis.

“Mucaawimadani waxay u sahashay qaybo badan oo ka mid ah dadkii u soo barokacay deegaankan inay sahay ka dhigtaan oo ku laabtaan deegaamadii ay hore uga yimaaddeen oo ay hadda ka hor u la’aayeen waxay kula hagaagaan,” ayuu yiri Cali Maxamuud.

Waxa kale oo sarkaalku tibaaxay in dadka ay dhibaatadu ka soo gaadhey abaaraha ay isugu jireen dad xoolo dhaqato aha ama beeraley xoogaa xoolaa ah ku haysta hareeraha beerahooda oo badiba ka soo jeeda deegaamo gobolka Bay u badan.

https://webmail.one.com/hig/imap/info%40araweelonews.com/INBOX/499/4?uidval=1268568853

 

“Hadda haddii roobab wax ka da’een, yididiilo iyo nayaayiro cusub ayaa dadkii soo gashay, waxayna qaateen go’aan sax ah oo ah inay sahay ka dhigtaan waxa yare e soo gaarey, dibna u unkaan noloshii abaaruhu ka kala tureen iyo deegaannadii ay nolol garanayeen,” ayuu Cali yiri.

Dadka mucaawimada shirkadda Dahabshiil soo gaarsiisay ayaa iyagu ahaa dadkii ay ku baxaysey taakulad, sidaana ku cabbiray sida ay kaga talo qaateen oo wax weyn ka beddeshey indhihii ay ku eegayeen aayahooda wakhtiga dhow oiyo dib-ula-soo noqoshada karaamadooda dadnimo ee abaaruhu ka kala dhantaaleen.

https://webmail.one.com/hig/imap/info%40araweelonews.com/INBOX/499/2?uidval=1268568853

 

Qaybinta taakuladan ee shirkadda Dahabshiil ka fulisay degmada Baardheere ayaa waxay qayb ka tahay barnaamijka horumarinta bulshada ee shirkaddu laasintay oo rukun aasaasi ah ka ah siyaasadda maamul ee shirkaddan caalamiga ah.”

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *