Hargeysa(ANN)Xukuumadda iyo ururka suxufiyiinta Somaliland  ee SOLJA,  ayaa shalay markii ugu horaysay kala saxeexday heshiis is-fahan oo nuxur ahaan xambaarsan qodobo xasaasi ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin dhaqan gelinta  xeerkii Saxaafadda ee Xeer L/r 27/2004, kaas oo baarlamaanku

hore u ansixiyeen, isla markaana Madaxwaynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale uu saxeexay, balse aan la dhaqangelin.
Sidoo kale Heshiiskan Is-fahamka ah  ayay ka mid yihiin in saxaafadu si degdeg ah u dhisto una hawlgaliso guddida Anshaxa Saxaafada oo aan hore u jirin. Heshiiska Is-Faham ayaa ka danbeeyey todobaadyo khilaafyo cakirani  u dhexmirayeen xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo warbaahinta Madaxabanaan, kaas oo salka ku hayey talaabooyin ka dhan ah saxaafada oo ay xukuumadu kula dhaqmaysay warbaahinta Madaxabanaan xili ay gudanayeen waajibaadkoodi shaqo, iyadoo xabsigana u taxaabtay qaar ka mid suxufiyiinta  Somaliland. 
Heshiiska  Is-faham oo shalay ay si wada jir ah u soo saareen Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA iyo Xukuumadu oo nuqul ka mid ah heshiiskaas is-fahan uu soo gaadhay Araweelonews  ayaa waxa ku saxeexnaa Agaasimaha Wasaaradda Warfaafinta Faysal Cali Sheekh iyo Guddoomiyaha SOLJA Xasan Maxamed Yuusuf, isaga oo dhamaytirana waxa uu u dhignaa sidan:-
“Iyada oo laga duulaya qodobka 12-aad ee Distuurka Qaranka oo amraya Madaxbanaanida Xoriyatul Qawlka, Saxaafadda Madaxabanaan iyo hab waafaqsan nidaamka xalinta khilaafaadka ee ay Somaliland ku caano maashay ee dhaqanka ay u leedahay, isla markaana uu jideeyey distuurka qaranku sidii loo damin lahaa khilaaf sii baaha, waxa 17-kii January 2012-ka iyo 20-kii January 2012 la qabtay kulamo saddex geesood ah oo ay soo qaban qaabiyeen Dalada ururada dhalinyarada ee Sonya oo dhexmaray ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, Xukuumadda, Xeer Ilaaliyaha Guud iyo Garyaqaanka guud ee qaranka oo isku dhinac ah, kulamadaas oo qasdigoodu ahaa sidii loo dhamayn lahaa xurgufta iyo isfahan la’aanta ka dhex aloosantay xukuumadda iyo Warbaahinta, ka dib wada hadal iyo doodo dhaadheer oo lagu falanqaynayey isfahan-waagaas iyo wixii caqabado ah ee jira waxa la isla gartay qodobadan:-
1. In ay xukuumadu faafiso oo la dhaqangaliyo xeerka Saxaafadda ee Xeer Lr 27/2004 oo hore Baarlamaanku u ansixiyeen, isla markaana Madaxwaynihii hore saxeexay hirgalintiisa.
2. In wixii qabyo ah ee ku jira xeerka Saxaafadda iyo dhamaystirka qabyadaas ay ka wada tashadaan dhinacyada ay khusayso oo Saxaafadu ku jirto.
3. In Saxaafadu si dagdag ah u dhisto una hawlgaliso guddida anshaxa Saxaafadda.
4. In meel looga soo wada jeesto ilaalinta nabadgalyada iyo dhawrista qaranimada Somaliland.
5. In ay xukuumadu dhiirigaliso, kana qaybqaadato horumarinta Suxufiga iyo Saxaafadda.
Heshiiskan waxa wada jir u saxeexay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaaafinta Faysal Cali Sheekh iyo Guddoomiyaha SOLJA Xasan Maxamed Yuusuf”.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *