Hargeysa(ANN)Urur Siyaasadeedka(National Union  For  Ultimate Refroms),  Nuur  oo ka mid ah Ururada is-diwaangaliyay, isla markaana buuxiyay shuruudaha Ururnimo, ayaa Shalay Xafiiskiisii uu horeeyay ee Ururku yeelan doono ka furtay Degmada Ibraahim Kood-buur ee Magaaladda

 

Hargeysa.
Munaasibadan xadhiga lagaga jarayay Xafiisaka Ururka Nuur waxa ka soo qayb-galay Guddoomiyaha ku meel-gaadhka ah ee Ururka Nuur Axmed Sandoon Xasan, Afhayeenka Uruka Nuur,  Maxamed Odowaa Cigaal Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ee Ururka Nuur,  Cabdikariin Cabdilaahi Cabdi Cilmi ee Ururka, Garabyada Haweenke, iyo Taageerayaasha Ururka.
Ugu horayn Guddoomiyaha Ururka (National Union  For  Ultimate Refroms),  oo loo soo gaabiyo( Nuur) Axmed Sandoon Xasan oo Munaasibadaas ka hadlay ayaa sheegay in Ururkoodu uu u daacad samayn doono Bulshada, isla markaana ay ku bahoobeen dad hawl-kar ah, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Ururka Nuur Idinka ayuu idiin Cadaalad samaynayaa, dadka Ururka ku jiraa dhamaantood waxay ku yimaadeen xul waa Dad hawl-kar ah oo aan u soo Shaqo doonaan, waana dad doonaya inaaad horumar gaadhaan. Waa dad doonaya inay Dhaliyarada u sameeyaan goob ay Qaadka kaga nastaan. Anigu waxaan ahay Xildhibaan ka mid ah Golaha Deegaanka wad ogtihiin in aan Ganacsade ahay, waxaan Siyaasada u galay inaad dadka wax u qabto, markaas waxaanu beegsanaynaa halka u saraysa, waxaan doonaynaa in aanu dalka ku maamulno Cadaalad iyo sinaan oo dadka daacad aanu u noqono. Dhakhaatiirta in aanu wax ka qabano ayaa hamigayaga oo dhan ku jirrta oo aanu si wanaagsan ugu adeeno. Markaa waxaanu doonaynaa in aad nala shaqaysaan gaar ahaan Dhalinyarada”
Sidoo kale waxa isna halkaas ka hadlay Guddoomiyaha Ururka Nuur ee Gobolka Maroodi-jeex r Cabdikariim Cabdilaahi Cabdi Cilmi , waxa uu yidhi “Waxaan idinku soo dhaweynaynaa gacmo furan, waji furan, himilooyin xaqiiq ah oo aanu rabno inuu Ururka Nuur uu ku hogaamiyo oo uu ka hawl-galo. ILAAHAY idankii waxaanu idnka iibin doonaan oo aanu idin soo hor-dhigi doonaa Rag cad-cad oo Imaan leh oo Aqoon leh oo Dadka u shaqeeya”

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *