Berbera(ANN)Urur siyaasadeedka Jamhuuriga oo ka mid Ururada  dhawaan iska diiwaangeliyay  Somaliland oo doonaya inay ka qaybgalaan tartanka doorashooyinka golayaasha deegaanka iyo tartanka axsaabta qaranka  ayaa Maanta Xafiisyo ka furtay Magaalooyinka

 

Berbera, iyo Sheekh ee Gobolka Saaxil, iyada oo ay furitaankii Xafiisyadaasaa ka soo qayb galeen Dadweyne Farabadan oo taageersan Uurukaa Jamhuuriga, waxaana halkaa ka hadlay Qaar ka mid ah Masuuliyiinta ugu saraya Ururkaa oo booqasho ku tegey halkaa.

Furitaankii Xafiiska uu Ururkani ku yeelanayo  sheekh, ayaa waxaa ka soo qayb galay Masuuliyiin uu ka mid yahay Gudoomiye ku xigeenka Ururkaas, Farxaan Siciid Khaliif, Xoghayaha Gobolada, Aadan Maxamuud Diiriye, ( Aadan Ruush),  Xoghayaha Wacyi galinta Prof, Ashari, waxaanay dhamaantood u mahad celiyeen Dadkii halkaa ku soo dhaweeyay.

Xoghayaha wacyi galinta Prof. Ashari oo isagu halkaa ugu horayn ka hadlay ayaa waxaa hadaladiisii ka mid ahaa “ waxaan aad iyo aad ugu mahad naqayaa dhamaan Dadweynaha sida fiican halka noogu soo dhaweeyay, waxaan leeyahay Ururkani  waa Urur Barnaajkiisa siyaasadeed cadyahay waa Urur  u hiilin doona dhalinyarada iyo haweenka waa Urur Gobolada dalka oo dhan xafiisyo ku leh, waxaan rajaynayaa in ay gaadhi doono hamigeena haddii ilaahay inoo ogaalado.

Waxaa isna halkaa ka hadlay Aadan Maxamuud Diiriye Adan Ruush, waxaana isaguna uu xusay Qaar ka mida Baarnaamijka siyaasadeed ee Ururkooda, iyo ujeedada Astaanta Ururka, wuxuuna isagoo sharaxaya  astaanka calankooda  yidhim  “ Urur  astaantiisu waa 13xidigood waana 13Gobol ee Dalkeenu ka koobanyahay, waa Urur  ay dhalinyarada iyo haweenku muhiimada kowaad leeyihiin, waa Urur doonaya inuu qaybta ugu wayn siiyo labaa qolo, waxaad ogtihiin in hadii ay dhalinta aqoonta leh jaa’nis la siiyo ay horumar keeni karaan anaguna taas ayaan ka duulaynaa”

Gudoomiye ku xigeenka Ururka  Jamhuuriga oo si rasmi ah xadhiga uga jaray Xafiiska Degmada Sheekh, ayaa waxa uu yidhi “ aad iyo aad ayaad u mahadsantihhin sida quruxda badan ee aad noo qaabisheen, hadaad tihiin reer Sheekh, waxaan u malaynayaa hadalkii waxba layma reebin oo ragii iga horeeyay ayaa wada qaatay, waxaan anigu ku soo koobayaa, Urur  aynu ku wada tacabno, oo aynu hiil iyo hooba isla garab taagno”

Sidoo kale Ururkani waxa uu Maanta Xafiis ka Furtay Magaalada Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *